4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 1 , 2014
Maxkamada sare ee ciidamada oo xukuntay eedeysayaal ka tirsan Al-shabaab

Jimco, August 01, 2014 (HOL) — Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa xukunno ku ridday laba ruux oo loo haystay dilka ruux shacab ah iyo inay ka mid yihiin Al-shabaab.

Labadan ruux ee xukunka lagu riday ayau maxkamaddu sheegtay inay ka mid ahaayeen kooxaha Al-shabaab u qaabilsan dilalka qorsheysan ee dadka shacabka ah loo geysanayo, waxaana sidoo kale la sheegay inay ahaayeen kooxo dilal dhowr ah ka geystay Muqdisho.

Eedeysanayaashan ayaa waxaa horay xukunno xabsi daa’in ah ugu ridday maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga, inkastoo qareenka labadaan nin u doodaya uu rafcaan ka qaatay xukunkaas.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, C/raxmaan Maxamed Tuu-yare ayaa dhageystay dacwadda loo haysto Aadan iyo Bashiir oo ah labadan eedeysane, iyadoo dacwaddooda uu goobta ka akhriyay xeer ilaaliyaha maxkmadda ciidamada.

Col. C/raxmaan ayaa ku dhawaaqay in xukunka maxkamadda, isagoo dil ku xukumay Bashiir, halka Aadan oo horay loogu xukumay dil toogasho ah ay mar kale ku ridday maxkamadda.

Xukunkan ayaa qayb ah xukunno is-daba-joog ah oo ay maxkamaddu horay ugu ridday eedeysayaan Al-shabaab ka tirsan, kuwaasoo qaarkood lagu fuliyay xukunnadii dilka ahaa ee lagu xukumay.

Horay ayuu guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada xoogga dalka ugu dhawaaqay in qof walba oo Al-shabaab ka tirsan uu xukunkiisu noqon doono dil toogasho.

Al-shabaab ayaa tan iyo sannadkii 2011 markaasoo ay isaga baxeen qaybo ka mid ah Muqdisho oo ay maamulayeen, waxay caasimadda ka geysanayeen falal kala duwan oo ay qayb ka yihiin dilal qorsheysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya