4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 1 , 2014
Turjubaan la sheegay inuu u shaqeynayay AMISOM oo Muqdisho lagu toogtay

Jimco, August 01, 2014 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay Muqdisho nin turjubaan u ahaa ciidamada AMISOM oo magaciisa lagu soo gaabiyay C/naasir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in laba nin oo bastoolado ku hubeysan ay ka dambeeyeen dilka, kuwaasoo baxsaday dilka kaddib, iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ay dilkan ku eedeeyeen Al-shabaab.

Turjubaanka ayaa lagu dilay suuqa xoolaha, waxaana dilkiisa uu qayb ka noqonayaa dilal taxane ahaa oo Muqdisho ka dhacayay tan iyo bishii aynu soo dhaafnay ee Ramadaanka.

“Rag hubeysan ayaa dilka geystay, waxaa naloo sheegay inuu ahaa mid ka mid ah turjubaannada la shaqeeya ciidamada AMISOM,” ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda Suuqa Xoolaha oo turjubaanka lagu dilay.

Degmada Huriwaa oo ay ka tirsan tahay xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa lagu tiriyaan degmooyinka ay ku badan yihiin xoogagga Al-shabaab ee dilalka iyo weerarrada ka fuliya Muqdisho.

Illaa hadda ma jirto hadal ku saabsan dilka turjubaankan la sheegya inuu u shaqeynayay AMISOM oo ay kooxaha hubeysani ku toogteen degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horreysay oo kooxo hubeysan ay Muqdisho ku dilaan turjubaan iyo dad kale oo la shaqeynayay AMISOM, kuwaasoo ay Al-shabaab ku eedeyso inay la shaqeeyaan cadowgooda.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo markii laga saaray Muqdisho dhammaadkii sannadkii 2011, waxay caasimadda ka wadeen dilal iyo falal ay ka mid yihiin weerarro ay ku qaadaan xarumaha dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya