4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 1 , 2014
Sannad-guuradii 16-aad ee dhismaha Maamulka P/land oo si weyn loo xusay
Jimce, Agoosto 1, 2014 (HOL) —Dhammaan deegaanada Puntland waxaa maanta si weyn looga xusay munaasabadda 1-da Agoosto, oo ku beegan sannad guuradii 16-aad ee kasoo wareegtey xilligii dhidibada loo taagay maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland sanadkii 1998.

Isku soo bax ballaaran oo ka dhacday fagaaraha (Barxadda) ee Garoowe, ayaa waxaa kasoo qayb galay  madaxda ugu sareysa Puntland oo ay ugu horeeyeen madaxweynaha Mudane C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku-xigeenka Mudane C/xakiim C/laahi Camey.

Sidoo kale, waxaa xuska sanad guurada 16-aad ee asaaskii Puntland kasoo qayb galay xubno ka tirsan goleyaasha wasiirrada iyo baarlammaanka, saraakiisha ciidamada iyo kumanaan qof oo ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada sida: ardeyda, ururada dhallinyarada, haweenka iyo shaqaalaha.

Cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo isugu jirey: Daraawiish, Ciidanka Badda iyo Boolis ayaa gaaddo ka ciyaar ku sameeyey Fagaaraha Barxadda, iyagoo sidoo kale salaan sharaf u saaray madaxweynaha iyo madaxdii kale ee madasha ku sugnaa.

Madaxweyne C/weli Maxamed Cali Gaas oo goobta si kooban uga hadlay ayaa u hambalyeeyey umadda reer Puntland meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale u mahadceliyey guddiga qaban qaabada xafladda, ciidamada qalabka sida iyo dhammaan qaybaha kale ee xafladda kasoo qayb galay.

Khudbadda uu ugu talo galay xuska 1-da Agoosto madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu ka jeedin doono xaflad kale oo gelinka dambe ee maanta ka dhici doonta aqalka madaxtooyada ee magaalada Garoowe.

Munaasabado waaweyn oo ku aadan sannad guuradii 16-aad ee kasoo wareegtey dhismihii maamulka Puntland ayaa sidoo kale ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida: Boosaaso, Gaalkacayo, Qardho, Badhan, Baargaal iyo Dhahar.

Xuska 1-da Agoosto sannadkan waxaa hal-ku-dhig looga dhigay " PUNTLAND HA ISKU TASHATO".

Maamulka Puntland waxaa la dhisay bishii Agoosto kowdeedii sannadkii 1998. Laga soo bilaabo xilligaas Puntland waxaa soo hoggaamiyey shan madaxweyne oo uu ugu dambeeyo madaxweynaha xilligan talada haya ee C/weli Maxamed Cali Gaas.

Gobollada Puntland waa 9, degmooyinkuna waa 35degmo. Guud ahaan bedka deegaanada uu Maamulka Puntland ka arrimiyo waa 212,510 km2. Tirada dadka ku nool waxaa tirakoobkii ugu dambeeyey ee la sameyey sanadkii 2009 lagu qiyaasay 3.9 milyan oo qof.


Sawirro badan naga fisha mar dhow haddii Eebe oggolaado...


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
Puntland, Soomaaliya