4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 1 , 2014
Ammaanka magaalooyinka Waaweyn ee Puntland oo saaka aad loo adkeeyey
Jimce, Agoosto 1, 2014 (HOL) —Waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland oo xilligan ay ka socoto munaasabad ballaaran oo lagu xusayo sannad-guuradii 16aad ee kasoo wareegtey markii la dhisay maamulka Puntland.

Waddada laamiga ah ee magaalada dhex marta iyo qaar badan oo kamid ah jid caddeyaasha magaalada dhex qaada ayaa saaka xiran. Si gaar ah waxaa loo sugayaa ammaanka Fagaaraha Barxadda oo ah halka laysugu iman doono madaxduna ay ka khudbeyn doonaan.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu arki karaa goob kasta iyagoo baaraya dadka iyo gaadiidka, waxaa sidoo kale saaka aad loo xakameeyey dhaq dhaqaaqa gaadiidka, gaar ahaan in gaadiidku ay magaalada dhex socon karaan.

Si taas lamid ah waxaa loo adkeeyey ammaanka magaalooyinka Boosaaso iyo Gaalkacayo oo iyagana ay maanta ka dhici doonaan munsaabado ballaaran oo ku aadan xuska 1da Agoosto oo sannad kasta xilligan oo kale Puntland looga dabbaal dego.

Dhanka kale, waxaa xusid mudan in gebi ahaanba ay maanta xiran tahay waddada laamiga ah ee isku xirta gobollada Puntland, arintaas oo ka dambeysey digniin ay shalay laamaha ammaanku bixiyeen taas oo ku aadanayd in maalinta berri ah jidku la xiri doono.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya