4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2014
Kenya oo sheegtay inay weli gacanta ku hayso boqolaal qof oo Somali ah


Arbaco, Abriil 09, 2014 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay maanta in 472-qof oo laga shakisan yahay ay weli ku hayaan xabsiyada magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. Xilli Muqdisho la keenay maanta 81-qof oo dib looga soo celiyay dalka Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in dadkaan oo dhan ay qayb ka noqon doonaan kuwa dib loogu celinayo Soomaaliya, kuwaasoo aan haysan sharciga dalka Kenya iyo kan deggenaashaha.

Sidoo kale, taliyaha booliiska Kenya, David Kimaiyo ayaa isagana sheegay in dadka la qabqabtay ay ku hayaan weli garoonka kubadda cagta ee Kasarani ayna weli ka socdaan magaalada Nairobi howlgallada lagu qabqabanayo dadka aan sharciga ku lahayn Kenya.

“Dadka howlgallada lagu qabqabtay qaarkood waxaa dib loogu celiyay xeryaha qoxootiga Kenya, kuwaasoo loo aqoonsaday inay qoxooti yihiin,” ayuu hadalkiisa ku daray David Kimaiyo.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay inay howlgalladu socon doonaan inta ammaanka Nairobi la sugayo, iyagoo ku celiyay in howlgalladan aysan ahayn kuwo Soomaalida oo keliya lagu beegsanayo.

Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa waxay sheegayaan in dadka lagu hayo saldhigyada iyo garoonka Kasarani aan weli loo ogolaan inay ehelladooda soo booqdaan, iyadoo lasoo sheegayo in dadka qaarkood ay xaalado adag ku haystaan goobtaha lagu hayo.

Ciidammo fara badan oo booliis ah ayaa weli lagu arkayaan xaafadaha Islii oo ah halka ay deggen yihiin Soomaalida ku nool Nairobi, waxaana muddo toddobaad ah xiran goobaha ganacsiga ee xaafaddaas ku yaalla.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya