4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2014
Ra’iisul Wasaaraha oo ku sheegay in Muqdisho laga sifeeyey Walxaha Qarxa


Arbaco, Abriil 09, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta Muqdisho kaga qayb-galay kulan lagu shaacinayay in waxyaalaha qarxa laga sifeeyay magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa sidoo kale ka qaybgalay saraakiil ka socotay Midowga Yurub, hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka miinada ee UNMAS iyo xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Mudane Cabdiwali ayaa ku dhawaaqay in Muqdisho laga sifeeyey waxyaalaha qarxa, xukuumadda uu hoggaamiyana ay gacan ka geysatay sidii loogu guuleysan lahaa howlaha Muqdisho lagaga sifeynayay waxyaalaha qarxa.

“Ma dooneyno in dadkeennu ay ku sii jiraan nolol cabsi iyo deggenaansho la’aan ah. Carruurta Soomaaliyeed waa inay helaan mustaqbal aan cabsi iyo argagax lahayn. Arrinta muhiimka ahna waa in carruurteennu helaan nolol wanaagsan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Isagoo sii hadlaya ayuu mar kale yiri: "Maanta waxaa war lagu farxo ah inaan ku dhawaaqno in Muqdisho laga sifeeyay waxyaalaha qarxa. Mas’uuliyad ayaa naga saaran inaan dalka ka cirib-tirno waxyaalaha qarxa ee khatarta ku ah nolosha muwaadiniinteenna. Waxaanu mahad-naqayaa dhinacyada naga taageeray fulinta hawshan muhiimka ah.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in hawlaha lagu sifaynayo waxyaalaha qarxa aanay ku koobneyn caasimadda ee dalka oo dhan laga samaynayo si loo helo qaran aanay muwaadiniintiisu ka cabsi qabin in dhibaato kasoo gaarto waxyaalaha qarxa.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dalka uu kusoo jiray tobannaan sano oo nolol lagu waayay sabab ka dhalatay waxyaalaha qarxa, iyadoo Muqdishona ay ka mid ahayd meelaha ugu daran maadaaama ay ka dhacayeen dagaaladii ugu badnaa.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya