4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2014
Somaliland oo laga dalbaday inay fasaxdo Wargayska Haatuf iyo 11 Wariye

Arbaco, Abriil 09, 2014 (HOL) — Wariyayaasha aan xaduudda lahayn ayaa maamulka Somaliland ku canbaareeyay falkii lagu xiray wargayska Haatuf oo ka soo bixi jiray magaalada Hargaysa ,waxaana  ka hor intii aan albaabada la isugu laabin xarunta wargayska xoog ku galay ciidamo ka tirsan maamulkaas.

"Xarigga lagula kacay xafiiska wargayska waxey caddayn u tahay weerarrada bilahan danbe lagu beegsanayo xarumaha warbaahinada ee ku yaalla magaalada Hargaysa " ayuu yiri Clea Kahn-Sriber oo ah madaxa ugu sareeya wariyayaasha aan xuduudda lahayn.

"Hadii maamulka halkaas ay dhibsadeen qoraallada qaar e ku soo baxay wargayska waxaa jiray  waddooyin ay mari kareen intii lagu dalban lahaa boolis gabi ahaanba xarunta xira," ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan oo xusay in arintas ay caqabad ku noqon karto saxaafadda madaxa banaan.

Ururkan ayaa ka dalbaday maamulka Somaliland in shaqaalaha wargayska loo ogaalaado in ay dib u bilaabaan howlahoodi shaqo ,isla markaana la fasaxo xarumaha warbaahineed ee wali u xanbiban amarada maamulkaas.

"Ciidamada dowladda ayaa goobta khasab ku soo galay xarunta xilli aan howlaheenna shaqo ku jirnay ,waana ay kala carareen wariyayaashii "ayuu yiri  isna Axmed Cali oo ah tafaftriaha Haatuf oo la hadlayay Allafrica.com

Masuul u hadlay booliska magaalada Hargaysa ayaa sheegay in maxkamadda sare ay amartay in albaabada la isugu dhufto  xaruntii wargayska ,iyada oo  lagu soo eedeeyay  in uu qoray warbixinno been abuur ah oo maamulka liddi ku ah sida u xusay sargaalkas u hadlay dowladda .

Wararka qaar ayaa sheegaya in wargayska uu baahiyay qoraallo sax ah oo la xiriira musuq-maasuq ka dhex jira qaar kamid ah wasaaradaha dowladda, iyadoo si gaar ah loo xusay magacyada laba wasiir oo arimahaas ku lug lahaa.

Ugu danbayntii laga soo bilaabo sedexdii bishii 12-aad ee sanadkii hore ilaa iyo bishii koowaad ee sanadkan 2014-ka waxaa gudaha Somaliland lagu xiray 11-wariye iyo xarumo warbaahineed oo ay ku jirto xafiiskii Universal ee magaalada Hargaysa.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]