4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2014
Maamulka Jubba oo cambaareeyay dilkii shaqaalaha QM ee Gaalkacayo

Arbaco, Abriil 09, 2014 (HOL) — Warsaxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubba islamarkaana uu ku saxiixnaa af-hayeenka maamulka C/naasir Seeraar Maax ayaa lagu cambaareeyay dilkii magaalada Galkacayo loogu geystay labadii shaqaale ee ka tirsanaa hay’adda Qaramada midoobay u qaabilsan la dagaalanka daroogada iyo dambiyada.

“Waa nasiib darro in laba shaqaale oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo u yimid in ay umadda Soomaaliyeed caawiyaan in naftooda ay ku waayaan iyagoo ku gudo jiro waajibaadkooda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha maamulka Jubba iyo guud ahaan shacabka ku dhaqan Jubooyinka ay cambaareeynayaan dilka magaalada Gaalkacyo loogu geystay shaqaalaha Qaramada Midoobay, iyagoo sidoo kale tac si u diray ehellada iyo asxaabta ay ka baxeen labadaasi nin.

“Dowlad goboleedka Puntland waxay kamid tahay gobollada soo koraya ee dalka Soomaaliya lehna nabad iyo xasilooni, sidaa darted maamulka KMG ee Jubba wuxuu aad uga xunyahay dhacdadan nasiibdarrada ah, taasoo qariib ku ah Puntland, waxaana rajeyneynaa in sida ugu dhaqsaha dambiileyaasha ku kacay falkan foosha xun in la horkeeni doono cadaaladda,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Gabagabadii warsaxaafadeedka ayaa waxa lagu yiri. “ Maamulka KMG ee Jubba, wuxuu Puntland la garab taaganyahay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo noocwalba oo dambi ah.”


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya