4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2014
Qarax Kismaayo lagula eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM

Arbaco, Abriil 09, 2014 (HOL) — Qarax xooggan oo la sheegay in uu ahaa nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa manta gudaha magaalada Kismaayo lagula eegtay cidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Brundi.

Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda V-afmadow, waxaana ilaa hadda inta la ogyahay ku dhintay hal qof, halka ay dhaawacyo kasoo gaareen afar kale  kuwaasoo dhamaantood ah dad rayid ah.

Dadkan ay waxyeelada soo gaartay ayaa intooda badan waxa haleeshay rasaastii ay fureen ciidamadii qaraxa lala beegsaday, waxaana la ogayn khasaaraha gaaray askartii qaraxa lala eegtay, maadaama ay xireen aagga uu shilku ka dhacay.

Dadka ku waxyeeloobay qaraxa ayaa loola cararay isbitalka guud ee degmada Kismaayo, halkaasoo lagu daweynayo.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo aan xiriir la sameynay ayay inoo suurogeli weysay in aan wax faahfaahin ah ka helno.

Aalaaba qaraxyada ka dhaca magaalada Kismaayo ayay dhibaatada ugu badan kasoo gaartaa dadka rayidka ah, kuwaasoo ku waxyeelooba qaraxa amaba rasaasta ay furaan askarta lala beegsado.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya