4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2014
Prof. Nuur D. Fursade oo casharro ka bixiyay Jaamacada Banaadir (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 09, 2014 (HOL) — Xarunta Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho ayaa waxaa gellinkii dambe ee shalay cashar ku saabsan tiknoojiyada casriga ah (IT) iyo xogta maamulka ka jeediyay, Prof. Nuur Diiriye Fursade oo aqoonyahanada dalka Soomaaliya ka mid ah.

Prof. Fursade oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu ka maqnaa 24-sano ah ayaa shahaadada PhD-ga ah ka qaatay Jaamacadda Colombus, isagoo ku taqasusay cilmiga Kombiyuutarka, isagoo soo noqday madaxii qeybta Computer Sicence-ka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed intii u dhexeysay 1987-1990-kii.

Sidoo kale, Prof-ka ayaa hadda wuxuu la taliye u yahay machadka IT Seneca College ee magaalada Toronto, isagoo ahaa ka mid ahaa shaqsiyaadkii asaasay 80-maadkii machadkii barashada Kambiyuutarka ee Fursade oo ahaa kii ugu horeeyey noociisa ee dalka laga furo.

Casharka Prof. Nuur Diiriye Fursade uu ka bixiyay jaamacadda Banaadir oo ahaa mid kooban hase ahaatee xambaarsanaa aqoon ballaaran ayaa wuxuu si faah-faahsan uga hadlay mowduuca ku saabsanaa xogta tiknoloojiyada casriga ah, wuxuuna xusay in aqoonta hadda lagu barto Jaamacadaha ay markeedii hore ahayd xog la ururiyay oo aqoon isu bedeshay.

Waxaa dhegeysiga casharkaas ka qayb-galay mas’uuliyiinta Jaamacada Banaadir iyo qaar ka mid ah ardayda wax ka barata jaamacadaas, gaar ahaan kuwa hadda dhigta kuliyada Tiknoloojiyada (Information Technology) iyadoo Prof-ku sharaxaad ka bixiyey xogta, qaabka loo ururiyo, sida loo ilaaliyo, loona tayeeyo marxalidihii ay soo martay, sida loo isticmaalo, noocyada Database-yada ugu waaweyn caalamka iyo kuwa dalka laga isticmaalo.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Qaar ka mid ah ardayda Jaamacada Banaadir ayaa ugu dambeyn su’aalo mowduuca la xiriira weydiiyay Prof. Nuur Diiriye Fursade uu si saraaxad leh uga jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyay.

Guddoomiyaha Jaamacada Banaadir Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo munaasabadan hadal kooban ka jeediyey ayaa uga mahad-celiyey Prof. Fursade casharka qiimaha badan ee uu ka bixiyay jaamacadda isagoo xusay inuu wax weyn ku kordhinayo aqoonta ardaydii iyo aqoonyahannadii kale ee ka faa’iidaystay.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan isugu nimid dhageysiga casharadii koobnaa laakiin nuxurka ballaarnaa ee uu halkan nooga soo jeediyay Prof. Fursade wuxuu ahaa mid qiimo badan,” ayuu yiri Dr. Dalmar, oo intaas ku daray in macallinku uu dhawaan dalka dib ugu soo laabtay uuna doortay inuu casharkiisii ugu horreeya ka bixiyo jaamacadda Banaadir, isagoo xusay inay taas ku faraxsan yihiin ugana mahad-celinayaan.

Sidoo kale, Dr. Dalmar wuxuu sheegay in jaamacadda Banaadir inay dhigtaan 3000 oo arday oo wax ka barta siddeed kuliyadood. “Ujeedadda ugu weyn ee Jaamacada ma aha in dhaqaale laga abuuro ee waa inaan abuurno aqoon tayo leh, taasna waxaa ka markhaati ah in Jaamacadda Banaadir ay tahay midda kaliya ee lagu soo galo imtixaaan lagu saxo ugu yaraan 60%,” ayuu yiri Dr. Dalmar.

Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah aasasayaashii jaamacadda Banaadir, isla maraana ah mudane ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in casharada noocan ah ee ay bixiyaan khabiirada u leeyihiin ardayda faa’iido badan.

“Dhegeysiga casharada noocan ah waa kuwo aad u qiime badan oo heer caalami ah, waxaa loo tagaa dibadaha, kharash baa ku baxa hoteellaa loo kireystaa, waxayna taas ku tusinaysaa muhiimada ay leeyihiin si looga faa’iideysto aqoonyahanno sare sida Prof. Nuur Diiriye Fursade oo kale, waana uga mahad-celineynaa isaga iyo guddoomiyaha Jaamacada oo isna had iyo jeer isku howla sidii aqoonta ardayda wax ka barata jaamacada ay ula jaanqaadi laheyd mida casriga ah” ayuu yiri Prof. Dufle.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya