4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 9 , 2014
Baarlamaanka oo u codeeyay joojinta Qaadashada Kaararka Aqoonsiga


Arbaco, Abriil 09, 2014 (HOL) — Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod gacan-taag ah ku diiday in qaadashada baasaboorka Somaliga lagu xiro warqadaha aqoonsiga muwaadinnimo, kaddib markii xildhibaannada intooda badan ay sheegeen in dadku ay dhibaato ka maraan qaadashada warqadaha aqoonsiga.

Laba maalmood oo isku xigta ayay xildhibaannadu ka doodayeen sida laga yeelayo qaadashada kaararka aqoonsiga, iyagoo ugu dambeyn shalay u codeeyay in gabi ahaan qaadashada kaararka aqoonsiga la joojiyo.

Codeynta ayaa waxaa inta badan mudanayaashu ay ogolaadeen in qaadashada warqadaha aqoonsiga la joojiyo, maadaama ay dadku ku dhibaatoodeen, lagauna soo celiyo qaadashada baasaboorka Soomaaliga sidiisii hore.

Sidoo kale, xildhibaannadu waxay xuseen in qaadashada kaararka aqoonsiga aysan ahayn mid ku xiran qaadashada baasaboorka oo keliya, balse dadka oo dhan looga baahan yahay inay yeeshaan kaararka aqoonsiga.

Xildhibaannada ayaa waxay intaas ku dareen inaysan ahayn in kaararka uu bixiyo maamulka gobolka Banaadir uu Muqdisho oo keliya uu ku bixiyo, balse loo baahan yahay in dalka oo dhan laga bixiyo.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo dadweyne fara badan ay maalin walba safaf dhaadheer ugu jiraan qaadashada warqadaha aqoonsiga si ay u helaan baasaboor ay ku dhoofaan, taasoo sababtay in qofku uu muddo 30-maalmood ah isaga daba-noqdo.

Inkastoo baarlamaanka Soomaaliya uu go’aamiyay in qaadashada warqadaha aqoonsiga la joojiyo ayaan haddana la ogeyn sida u ku aqbali doono maamulka gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya