4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2014
Kulan looga hadlay tayeynta shaqaalaha dowalada oo Muqdisho lagu qabtay


Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Wasiiraka Diinta iyo Owqaafta Xukuumadda ahna ra’iisul wasaare ku xigeen, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta ka qayb-galay kulan ay isugu yimaadeen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xukuumadda kaasoo looga hadlayay tayeynta shaqaalaha rayidka ah ee dawladda Soomaaliyaoo  lagu qabtay Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u soo qaban-qaabiyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Iyadoo mas’uuliyiintii ka qayb-galay kulanka ay soo jeediyey in dib loo habeeyo sharciyadii shaqaalaha rayidka, si loo helo nidaam ay ku hawlgalaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, ayna raacaan hay’adaha dowladdu.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka oo hadal ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in agaasimayaasha guud ee dowladda laga rabo inay la yimaadaan wada-shaqeyn iyo isku-xirnaan dhinaca shaqada ah.

“Agaasimayaashu waa laf-dhabarka shaqada wasaaradaha, waana lagama maarmaan inay yeeshaan kulammo joogta ah si markasta loo ogaado baahiyaha wasaaradaha, korna loogu qaado habsami-u-socodka howlaha dowladda,” ayuu Ridwaan Xirsi sheegay.

Sidoo kale, wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, Inj. Luqmaan Ismaaciil ayaa dhankiisa tilmaamay inay muhiim tahay in la tayeeyo aqoonta shaqaalaha kaal duwan ee wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaad arkaysaa wasaarad ay joogaan shaqaale badan oo aan lahayn xirfadihii iyo aqoontii loo baahnaa, lama eryi karo aqoontooduna wasaaradihii ma kaabayso, marka waxaa lama huraan ah in tababbar loo furo si aqoontooda kor looug qaado halkii laga eryi lahaa,” ayuu yiri wasiir Luqmaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha blshada, Aweys Xaddaad ayaa dhankiisa sheegay inay jiraan baahi ballaaran oo ay qabaan shaqaalaha dowladda, marka la eego dhinacyada horumarka iyo tayada aqoonta shaqaalaha, isla markaana laga doonayo agaasimayaasha inay arrintaas xalkeeda raadiyaan.

Ugu danbayni, waxaa la isku raacay in la dhiso guddi ka kooban qaar ka mid ah agaasimayaasha guud iyo khubaro Soomaaliyeed oo kasoo baaraan-daga dib-u-habaynta la doonayo in lagu sameeyo xeerka shaqaalaha dowladda. Waxaa sidoo kale la isku afgartay in kor loo qaado aqoonta shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, isla markaasina loo sameeyo tababarro iyo aqoon-kororsi.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya