4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2014
C/weli Gaas oo magacaabay guddi baara dilkii Saraakiishii UNODC (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxaa maanta laga duuliyay maydka labo sarkaal oo hay'adda UNODC ka tirsanaa, kuwaasoo shalay uu mid ka mid ah ilaalada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo uu ku toogtay gudaha garoonka.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa isna dhankiisa guddi u saaray baaritaanka qaabkii uu dilkaan ku dhacay, wuxuuna sheegay inay weli ku dadaalayan sidii ay u shaacin lahaayeen sababta uu dilkan u gestay askariga ka tirsana ciidamada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Shir jaraa'id oo uu qabtay madaxweynaha Puntland ayuu ku shaciyay guddi kasoo tala-bixiya dilkii loo geystay saraakiishan oo u kala dhashay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska.

Guddiga madaxweyne Gaas uu magacaabay ayaa waxay ka kooban yihiin wasiirro iyo taliyeyaal ciidan, waxaana ka mid ah wasiirrada amniga, waxbarshada, taliyaha ciidanka booliiska iyo taliyaha ciidamada PIS-ta.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

"Arrintan waa mid ku cusub Puntland, waana ka xunnahay, waxaana magacaabay guddi baara qabka uu dilka u dhacay, kuwaasoo ka kooban shan xubnood oo isugu jira wasiirro iyo saraakiil, waxaana socda labo baaritaan oo aan ku doonayno sidii loo ogaan lahaa sababta uu dilkan u dhacay," ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale, madaxweyne Gaas ayaa sheegay inaysan aqbali karin in dhacdo sidan oo kale ah ay Puntland mar kale ka dhacdo, isagoo intaa ku daray inay si dhaqso ah u daba-geli doonaan falkan.

Dhinaca kale, C/weli Gas oo ay wehelinayeen xubno golihiisa wasiirrada ka mid ah ayaa waxay garoonka Cabdullahi Yuusuf  kula kulmeen xubno Qaramada Midoobay ka socday oo uu horkacayay ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Philippe Lazzarini kulankaas oo saacado badan qaatay.

Markii uu kulanku soo dhammaaday ayaa waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka warfaafinta Puntland, C/wali Xirsi (Indha-guran) isagoo sheegay in kulanka uu la xiriiray xog-wareysi la xiriira tallaabada la xiriirta shilkii ka dhacay Gaalkacyo.

Philippe Lazzarini ayaa isna sheegay in Puntland ay waddo baaritaan la xiriira dilka shaqaalaha Qaramada Midoobay ka tirsan, wuxuuna intaa ku daray in Puntland ay tahay nabad, dilka saraakiishana aysan waxba ka dhimi doonin wadashaqeynta kala dhaxeysa.

Gaba-gabadii ayaa madaxda Puntland  iyo saraakiisha Qaramada Midoobay waxay  si wadajira garoonka ugu sagootiyeen maydka labadii sarkaal ee hay'adda UNODC ka tirsanaa, iyadoo halkaas ay ka qaday diyarad ay leedahay Qaramada Midoobay.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya