4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2014
Khubaro Ajnabi & Somali ah oo kawada hadlay ganacsiga Somalia (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa lagu qabtay maanta kulan ay soo qaban-qaabisay ENIGMA, ayna DP World dhiirri-gelisay, kaasoo looga hadlayay xaaladda guud ee ganacsiga Soomaaliya iyo waxyaabaha lala qaban karo Soomaalida. Iyadoo laga sheegay kulanka in Somalia aysan marna ka maarmeyn in la horumariyo ganacsiga oo badabaaday muddo dheer oo aysan dowlad jirin.

Saddexda qaybood oo xoogga lagu saaray kulankaan ayaa kala ahaa: Beeraha, Xoolaha iyo Kalluumeysiga oo ah waxyaabaha ganacsigooda aan weli si dhab ah loo billaabin, waxaana sidoo kale laga hadlay ganacsiga Soomaaliya sida xawaaladaha, isgaarsiinta iyo wixii la mid ah.

Kulanka ayaa waxaa ka hadlay kubaro kala duwan oo ka socday dowladda Somalia iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.  Waxaa kaloo ka hadlay kulanka Ajaanib ka kala socday, Dubai Foreign Office, African Development Bank, Norwegian Private Sector, Shuraako, ENIGMA, DP WORLD iyo kuwo kale.

Sidoo kale, kulanka waxaa ka qaybgalay guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo ku-xigeenka waaxda ganacsiga xoolaha, Shariif Axmed iyo Aamina Deeble.

Agaasimaha Rugta Ganacsig Soomaaliya, Cabdi Abshir Dhoorre, wuxuu kulanka ka sheegay in Soomaaliya aysan u baahnayn gargaar fara badan, laakiinse loo baahan yahay in hay’adaha dhaqaalaha adduunku ula dhaqmaan sidii waddan aan lahayn awood maamul oo ku filan, aysanna jirin hay’adihii agaasinka, kuwii maaliyadda oo shaqeeynaya, xaqiiqduna ay tahay in loo baahan yahay in Somalia loola dhaqmo sida waddamada G7+ ama qaabka New Deal-ka ee wax looga qabtay waddammo ay ka mid yihiin: East Timor, Ruwanda iyo kuwa kaloo badan.

“Soomaaliya waxaa yaalla dhaqaale badan oo markaad eegto dalka waxaa muddo maal-gelinayay ganacsiga Soomaalida. Dhaqaalahaas iyo caalamka oo maalgashada lana fal-gala ganacsatada Soomaalida ayuu dalku uga bixi karaa dib u dhaca weyn ee ku dhacay,” ayuu yiri Cabdi Abshir.

Ugu dabmeyn, kulanka ayaa waxaa laga sheegay in Soomaaliya aysan sahal kusoo kaban karin haddii aan la dhisin ganacsiga oo badbaaday muddo dheer oo aysan jirin dowlad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya