4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2014
Xildhibaan Kenyaan ah oo ka hadlay howlgallada lagu qabqabtay Soomaalida

Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Xildhibaan Cabdullaahi Diiriye Dhakaloow oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Kenya lagana soo doorto Koonfurta Wajeer ayaa sheegay in Soomaalida howlgallada lagu qabqbatay ay dhibaatooyin badan haystaan.

Mudanahan oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in dadka ku jira garoonka Kasarani ay dhibaatooyin xooggan qabaan, loona diiday in la tuso ehelladooda, qaarkoodna ay xaaladooda caafimaad aad u liidato.

“Waxaan goobaha lagu hayo Soomaalida kusoo arkay dad dhibaato badan ay haysto, dadkaas waxaa ku jira kuwo cudurro halis ah qaba oo loo diiday in xitaa kaniiniyaal loo keeno. Ruuxii halkaas taga ilmo ayaa soo dhaafaysa markuu arko dhibaatada ay dadkaas ku sugan yihiin,” ayuu yiri xildhibaan Diiriye.

Sidoo kale, xildhibaanka ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka ay dhowr jeer kala hadleen in dadkan Soomaaliyeed sidan loo dhaamo, balse ay mooshin arrintan ka dhan ah geyn doonaan baarlamaanka Kenya marka uu fasaxa kasoo laabto.

Mudane C/llaahi Dhakalow ayaa sheegay inuu taageerayo in kuwa  dhibaatada wada lasoo qabqabto, balse sida ay howshu ku socoto aysan ahayn sidii saxda ahayd, waxaana ka wal-walsannahay in arrintu ay si kale isku bedesho.

Hay’adda Qoxootiga Adduunka iyo kuwa u dooda xuquuqda aadanaha ayaa loo diiday iyagana inay la socdaan xaaladda dadkaas, iyadoo ciidamada ammaanka Kenya aysan cidna u ogoleyn in dadkaas ay booqdaan.

Tirada dadka lagu hayo garoonka kubadda cagta ee Kasarani ayaa lagu sheegay inay ka badan yihiin 4,000 oo qof, inkastoo dadkaas qaarkood lasii daayay, haddana waxaa jira dad kale oo lagu soo darayo.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa ku andacoonaya in howlgalladu ay yihiin kuwo ka socda magaalada Nairobi oo dhan, balse aysan ahayn kuwo si gaar ah uga  socda xaafadda Islii ee ay Soomaalidu deggen tahay.

Howlgalladan ayaa waxay keeneen in ciidamada ammaanka Kenya lagu eedeeyo inay dadka ay qabqabtaan ay muddo dheer ku hayaan xabsiyada iyo goobaha kale ee ay geeyaan, taasoo la sheegay inay xad-gudub ku tahay xuquuqul Insaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya