4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2014
Booliiska dalka Kenya oo Shaaciyay inay Raadinayaan Soomaali ka baxsaday

Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Booliiska dalka Kenya ayaa sheegtay maanta inay ku raad-joogaan ruux Soomaali ah oo ka baxday intii ay wadeen baaritaan ay ka sameynayeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Sarkaal sare oo u hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in ruuxa ay raadinayaan lagu magacaabo C/raxmaan Xasan, kaasoo uu sheegay inuu dariishada guriga ka baxay xilli ay ciidamadu doonayeen inay gurigiisa baaraan.

Booliiska ayaa sheegtay in ruuxan oo macallin ka ahaa iskuul ku yaalla xaafadda Islii ayna raadinayaan, iyagoo sheegay in ruuxaas uu farsameeyo waxyaabaha qarxa, ayna ku tuhunsan yihiin inuu gacan ku lahaa qaraxyadii dhawaan Nairobi ka dhacay.

Taliyaha booliiska Kenya, David Kimaiyo ayaa isaguna sheegay in xukuumaddu ay amar ku siisay ciidamada booliiska inay toogtaan ruux walba oo ay shaki uga qabaan inuu Al-shabaab ka tirsan yahay, ama uu dhibaatooyinka dhacaya qayb ka yahay.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in 4,000 oo qof lagu soo qabqabtay howlgallo laga sameeyay xaafadda ay Soomaalidu dagto ee Islii, qaarkoodna saldhigyada booliiska ay weli ku jiraan.

Dhanka kale, taliyuhu wuxuu hoosta ka xariiqay in ciidammo dheeraad ah ay geeyeen xaafadaha ay howlgalladu ka wadaan, kuwaasoo uu sheegay inay ka qaybqaadanayaan sidii lagu heli lahaa kuwa qaraxyada geysta.

Xukuumadda Kenya ayaa ku adkeysanaysa in baaritaannadu ay soconayaan inta ay ka xaqiijinayso ammaanka magaalada Nairobi, balse waxaa ciidamada howl-gallada wada ay si gaar ah u bartilmaameedsadaan Soomaalida.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya