4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2014
Wasiirrada Arrimaha Gudaha Somalia iyo Kenya oo kulan ku yeeshay Nairobi

Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre iyo wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Ole Linku ayaa kulan looga hadlay Soomaalida lagu xirxiray Nairobi ku yeeshay magaladaas.

Kulanka oo dhacay shalay ayaa waxaa ka qaybgalay danjiraha Somalia ee Kenya Maxamed Cali Ameerika, isagoo VOA-da la hadlayay ayuu sheegay in dadkii lagu qab-qabtay howlgallada intooda badan lasii daayay, balse ay jiraan57-qof oo ka mid ahaa dadkaas oo aan sharci haysan, kuwaasoo dalbaday in Soomaaliya dib loogu celiyo.

“C/llaahi Goodax wuxuu kala hadlay dhiggiisa dalka Kenya dadka Soomaalida ah ee lagu qabqabanayo howgallada ka socda magaalada Nairobi, iyadoo wasiirku uu sheegay inaysan u dulqaadanayn in Soomaalida si gaar ah loo beegsado,” ayuu yiri dajire Ameerika.

Sidoo kale, danjiraha ayaa sheegay in wasiirka arrimaha gudaha dalka Kenya uu u sheegay in howgalladu aysan ahayn kuwo lagu bartilmaameedsanayo dadka Soomaaliyeed oo keliya, balse ay yihiin kuwo lagu raadinayo kooxaha qaraxyada ka geystay Kenya.

“Dadkii howlgallada lagu qabqabtay intooda badan sharci ayay haysteen waana lasii daayay, qaarkood sharciga guryaha ayay uga soo tageen innaga ayaana u soo qaadnay sidaas ayaana lagu sii daayay,” ayuu yiri danjiraha.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay in 57-ka qof ee doonaya in Soomaaliya dib loogu celiyo ay iyagu ka caawin doonaan sidii dalkooda loogu celin lahaa, isagoo xusay in qaarkood aysan haysan boorsooyin, balse ay u gadayaan.

Dhanka kale, wararka laga helayo Nairobi ayaa sheegaya in garoonka Kasarani ay weli lagu hayo kumannaan Soomaali ah oo qaarkood xanuunsan iyadoo ay ciidamaduna diideen in dawooyin loo keeno ama ehelladooda iyo hay’adaha u dooda xuquuda aadanaha ay booqdaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya inay dadkaas ku jiraan kuwo xaaladooddu ay aad u daran tahay, kuwaasoo qaba cudurrada sokorta ama macaanka iyo dhiig-karka aysanna haysan wax dawooyin ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya