4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2014
Golaha Amaanka oo dalbaday in cadaaladda la horkeeno kuwii dilka geystay

Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa codsaday in si deg-deg ah cadaaladda loo horkeeno ciddii ka dambaysay falkii dilka ahaa ee shalay loogu geystay Gaalkacyo laba sarkaal oo ka tirsan hay’adda la dagaalanka daroogada iyo dambiyada.

War-saxaafadeed ay xubnaha golaha ammaanka Qaramada Midoobay soo saareen ayay si kulul u cambaareeyeen dilka la taliyaal ka tirsan Qaramada Midoobay, iyagoo ku tilmaamay dil laga xumaado.

Sidoo kale, goluhu wuxuu xusay inay uga tacsiyeynayaan eheladii dadkaas ay ka baxeen iyo xukuumadaha ay u dhasheen. Iyadoo warkan lagu sheegay in raggii shalay lagu dilay Gaalkacyo ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay Soomaalida u caawin lahaayeen.

Xubnaha golaha ammaanka ayaa ugu baaqay saraakiisha Soomaalida inay sida ugu dhaqsiyaha badan cadaaladda u horkeenaan cidii falkaasi fulisay, waxaana si gaar ah arrintan looga codsaday maamulka Puntland.

Agaasimaha hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan UNODC, Yuy Fedotov ayaa si xooggan u cambaareeyay falkii lagu dilay shaqaalihii hay’adaas. Waxana uu sarkaalkan ku tilmaamay dilka inuu ahaa mid xaasidnimo iyo macno la’aan ay ku dheehan tahay.

Dilka saraakiishan loogu geystay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo xilli halkaas kasoo dageen ayaa waxaa ka dambeeyay mid ka mid ah ilaalada garoonka oo uu sheegay madaxweynaha Puntland in isaga iyo nin kale la xiray.

Xukuumadda Soomaaliya iyo dalalkii ay u dhasheen saraakiisha lagu Gaalkacyo lagu dilay ayaa iyaguna cambaareeyay falkaas, waxayna dalbadneen in sababtii dilkaas uu ku dhacay lagu sameeyo baaritaanno adag.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya