4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2014
Dood ay soo Qaban-qaabiyeen Hay'adda ELMAN iyo Safaaradda Mareykanka ee Kenya oo Maanta lagu qabtay Muqdisho (SAWIRRO


Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Kulankan dood-wadaaga ah oo ay soo qaban qaabisya Hay’adda Xaquuqda Aadanaha ee Elman ayaa lagu qabtay maanta hoteelka Jaziira ee Muqdisho, waxaana ka qaybgalay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo bulshada rayidka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay amniga, xuquul insaanka, dib u dhiska dalka, kaalinta siyaasadeed ee haweenka, kaalinta dhallinyarada ay ka qaadan karaan dib-u-dhiska dalka iyo waxbarashada, iyadoo intii ay socotay dooda kulanka la isku waydaarsaday arragtiyo ka turjumeysa muhiimadda ay leeyihiin qodobbada.

Fartuun Cabdisalaan Axmed oo ah madaxa Hay’adda Elman oo ka hadlaysa ujeeddada kulanka ayaa sheegtay in shirkan uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo ka qayb-galayaasha, iyadoo sidoo kale ka hadashay dadka ku dhibaateysan goobaha laga saaray Al-Shabaab in gar-gaar lala gaaro.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo isna kulanka hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay ahmiyadda amniga iyo howlgallada dalka ka socda ee Al-shabaab looga saaray deegaanno ka tirisan gobollada dalka ay yihiin kuwo sugan.

Sidoo kale, xildhibaanad Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa iyadna hadashay doorka haweenka Soomaaliyeed ay ka qaadan karaan siyaasadda iyo dib u dhiska dalka, iyadoo xustay in haweenka looga baahan yahay inay noqdaan kuwa isku-duuban oo ka tashada aayahooda.

Wasiiradda howlaha guud ee Somalia, Inj. Nadiifo Maxamed Cismaan oo iyaduna kulanka ka hadashay ayaa hoosta ka xariiqday in wasaaraddeedu ay qorsheynayso dib u dhis ballaaran inay ku sameyso goobihii ay dowladdu lahayd, iyaoo su’aalo ku saabsan dhanka amniga, waxbarashada iyo dib u dhiska uga jawaabtay ka qayb-galayaashii kulanka.

Kulanka ayaa kusoo idlaaday sidii loogu talo-galay, waxaana la isla afgartay in la joogteeyo kulammada noocaan oo kale ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya