4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2014
Wax-garad Muqdisho ku yeeshay kulan lagu wacyi-gelinayo dhallinyarada


Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Odayaal dhaqan ayaa maanta kulan ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho, kulankaasoo ay soo qabanqaabisay hay'adda wadahadalka bulshada CCD, iyadoo la isku weydaarsaday doodo ku saabsanayd wacyi-gelinta dhallinyarada.

Waxgaradka, nabadoonnada iyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxay halkaasi kasoo jeediyeen talooyin ku saabsan qaabka dhallinyarada weli qaybta ka ah Al-shabaab looga soo saari karo, isla markaana odayaasha dhaqanka ay uga qayb-qaadan karaan sugidda amniga Muqdisho.

Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka C/llaahi Wehliye oo ugu horreyntii halkaas ka jeediyay khudbad kooban ayaa sheegay in kulammada noocaan ah ay yihiin kuwo lagu dhiirri-gelinayo in bulshada qaybaheeda kala duwan oo ku taliyay in laga wada-tashado wax kasta oo dhibaato ku keeni kara deegaanka.

C/llaahi Wehliye ayaa xusay in odayaasha dhaqanka ay si weyn uga xun yihiin falkii lagu dilay odayaasha dhaqanka ee ka dhacay Buurhakaba, isagoona xusay in falkaasi aanu ka mid ahayn dhaqanka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay inay ka dambeysay Al-Shabaab.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Nabadoonnada kulanka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa: Maxamuud Jaamac Cigaal, Sheekh Maxamuud Cali, Nuur Salaad iyo Abwaan Maxamed Maxamuud Shiddo, waxayna hoosta ka xariiqeen in odayaasha dhaqanka ay ka qaybqaadan karaan amniga Muqdisho haddii ay dhinaca dowladda ka helaan wada shaqeyn.

Abwaan Maxamed Maxamuud Shiddo ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay u istaagaan sidii dalka looga cirib-tiri lahaa Al-Shabaab oo uu sheegay inay hadda degmada Ceel-buur afduub ugu heystaan dadweynihii deggenaa.

Shiddo ayaa ku gubaabiyay odayaasha dhaqanka inaysan qarsan xoogagga ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana ay iska dhaafaan cabsida, isagoo sheegay in qof kasta ay dhimaneyso loona baahan yahay inay ku dhintaan iyagoo dadkooda ku hagaya waddada saxda ah.

Dhinaca kale, ka-qayb-galayaasha kulanka ayaa iyagu fikradahooda ka dhiibtay su'aalo la soo hor-dhigay, kuwaasoo ku saabsanaa sidii xiriir iyo wada-shaqeyn ay ula yeelan lahaayeen odayaasha dhaqanka iyo ciidamada amniga dowladda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya