4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2014
Qarax Khasaare Nafeed Sababay oo Maanta ka dhacay Degmada Guriceel

Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay mid kalena wuu ku dhaawacay qarax maanta ka dhacya galbeedka degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, iyadoo maamulka degmada uu ka hadlay qaraxa.

Qaraxan oo aan la ogeyn wuxuu ka dhashay ayaa wuxuu burbur u geystay gaari ay maamulka degmadu sheegeen inuu alaabo u waday ciidamada AMISOM ee ku sugan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

“Galbeedka degmada Guriceel waxaa saaka ka dhacay Qarax haleelay gaari ay ku rarnaayeen alaabo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ee gobollada dhexe ku sugan, waxaana ku dhintay hal qof, mid kalena wuu ku dhaawacmay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Guriceel, Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed).

Sidoo kale, Taar-dhuleed ayaa sheegay in labada qof ee khasaaruhu gaaray ay ahaayeen wadihii gaariga iyo caawiyihiisii, balse ma uusan sheegin gaariga halka uu ka yimid iyo ciidamada leh alaabta ay wadeen.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in qaraxa uu ka dhacay goob gaadiidka la dhigan jiray, ayna tahay markii ugu horreysay oo uu ka dhaco qarax noocan oo kale ah, balse ay baaritaanno ku wadaan sababta qaraxa keentay.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan gobollada dhexe oo ka kala socda Itoobiya iyo Jabuuti ayaa waxay inta badan sahaydu u soo martaan dhinaca dhulka, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo gaari sahay u wada uu qarax qabsado.

Baabuurka uu qaraxu haleelay ayuu guddoomiyuhu sheegay inuu ahaa kuwa loo yaqaan Candho-maydlaha oo ay lahaayeen dad shacab ah, uuna u ijaarnaa ciidamada AMISOM ee gobollada dhexe ku sugan.

Gobolka Galguduud ayaa waxaa ku sugan ciidammo ka socda dalka Itoobiya oo horraantii sannadkan si rasmi ah uga mid noqday howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya