4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 8 , 2014
Maxkamadda Ciidamada Somalia oo Xukunno kala duwan ku ridday laba Qof

Talaado, Abriil 08, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno xabsi kala duwan ah ku ridday laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo lagu helay inuu xaday alaabo uu ciidanka booliiska lahaa.

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, Jen. Liibaan Cali Yaroow ayaa sharraxaad ka bixiyay xukunnada lagu riday labadan qof, isagoo sheegay in qofka rayidka ah lagu helay inuu xiran jiray dharka dumarka.

“Maxkamaddu waxay xukun shan sano oo xabsi ciidan ah ku ridday Maxamed Xareed Xasan oo lagu helay inuu xiran jiray dharka dumarka, si uu ugu fushado howlo u gaar ah,” ayuu yiri Jen. Yaroow.

Sidoo kale, Jen. Yaroow ayaa sheegay in Boon Xirsi Maxamed Cabdi oo ka mid ah ciidanka booliiska Soomaaliya lagu helay dambiyo isugu jira, amar-diiddo ciidan, aflagaaddo iyo inuu xaday qalab uu booliisku lahaa.

“Boon oo 55-jir ah waxaa lagu helay amar-diiddo iyo xatooyo xoolo ciidan, waxaana lagu xukumay laba sano oo xabsi ciidan ah,” ayuu yiri guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukunka kaddib la hadlay warbaahinta.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sidoo kale ay maxkamaddu ka xayuubisay askari la xukumay darajadii ciidanka oo xiddigle ahayd iyo howlihii uu booliiska Soomaaliya u yahay, haddii uu xabsigiisa dhameystana uu dadka caadiga ah la mid noqon doono.

Xukunkan ayaa dhacay shalay oo Isniin ahayd, iyadoo guddoomiyuhu uu sheegay in labada ruux ee xukunka lagu riday ay rafcaan ka qaadan karaan, waxaana tani ay qayb ka noqonaysaa xukunno ay horay maxkamaddu u ridday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya