4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2014
Madaxweynaha Puntland oo caawa ku Hoyanaya Gaalkacyo shirarna ku leh


Isniin, Abriil 07, 2014 (HOL) — Madaxweynaha  Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyagoo ka yimid Burtinle oo ay ku hoyden xalay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalooyinka kala ah Xarfo, Bacad-weyn iyo Cagaaran; iyadoo waddooyinka lagu arkayay dad soo dhaweynayay madaxweynaha iyo wafdigiisa.

C/weli Gaas ayaa ku hakaday isla markaana dhex lugeeyay deegaannadii uu soo maray oo dhan, isagoo dadweynaha ku sugnaa deegaannadaas uu ka dhageystay warbixinno ay kusoo bandhigeen duruufaha ka jira deegaannadooda; iyagoo ka dalbaday maamulka Puntland in wax laga qabto baahiyahaa jira.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland waxuu u sheegay dhammaan dadweynihii uu ku arkay deegaannadii uu soo maray in safarkiisa gobolka Mudug uu salka ku hayo sidii loo ogaan lahaa xaaladaha shacabka ku nool.

Madaxweyne Gaas ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay intii awooddeeda ah ay wax ka qaban doonto baahiyaha kala duwan ee ka jira Puntland, shacabka looga baahan yahay inay ka qayb-qaataan horumarka Puntland.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Cabdiweli Gaas, wuxuu intaasi ku daray inay lagama maarmaan tahay in maamulkiisa iyo shacabka looga baahan yahay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarka iyo amniga deegaannada Puntland oo dhan.

Dhanka kale, madaxweyane Gaas iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo, isagoo markii uu Gaalkacyo soo gaaray wuxuu kormeerro ku tagay garoonka diyaaradaha ee Galkacyo, isagoo la kulmay mas'uuliyiinta gacanta ku haysa maamulka garoonka, kaddib markii askari ka tirsan ilaalada garoonka uu toogasho ku daliy saraakiil ka tirsanaa hay’adda UNODC.

Madaxweynaha ayaa dadweynaha Gaalkacyo la hadlay, wuxuuna uga mahad-naqay sida diirran ee ay ugu soo dhaweeyeen magaalada, isagoo u sheegay inuu la joogi doono maalmaha soo socda, isla markaana uu doonayo inay iska waraystaan guud ahaa xaaladda gobolka Mudug iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in magaalada lagu horumariyo.

Booqashada madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa ay ku yimaadeen Gaalkacyo ayaa qayb ka ah safarro xiriir ah oo dhawaanahan uu ku marayay gobollada iyo degmooyinka Puntland ay ka kooban tahay.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya