4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2014
Ciidanka Booliiska Somaliland oo la Wareegay Xaruntii Wargeyska Haatuf

Isniin, Abriil 07, 2014 (HOL) —Ciidanka Booliiska ee Magaalada Hargeysa ayaa galabta  la wareegay xaruntii wargeyska madaxa-bannaan ee HAATUF, iyagoo ka saaray xaruntaas dhammaan shaqaalihii wargeyskaas.

Ciidankan ayaa la sheegay inay siteen waraaq waaran ah oo lagu xayirayo wargeyska, ka dibna laga wargeliyey shaqaalaha inay ka baxaan xafiiska, isla markaana aanay wax qalab ah kala bixin Karin.

"Annagoo shaqaynayna oo ku sugan xaruntayada Wargeyska HAATUF  ayaa waxa noo yimid ciidan boolis ah oo badan, oo uu Hoggaaminayay Taliyaha qeybta Booliska galbeedka Hargeysa Maxamed Maxamuud, waxaanu na tusay warqad ay u soo qortay maxkamadda Gobolka Hargeysa oo uu ku saxeexan yahay Garsoore Axmed Ismaaciil Dalmar, kaasi oo ay ku qornayd in wargeyska la xayiray ka dib markii wargeysku sida uu sheegay aflagaadeeyay Wasiirro iyo xildhibaanno,"ayuu yidhi Tifaftiraha HAATUF Axmed Cali Cige oo khadka telefoonka ugu waramayey HOL ka dib markii dibadda looga soo saaray xafiiskooddii.

 Axmed Cali Cige ayaa sheegay in qoraalo ku soo baxay wargeyska ay xukuumaddu ka gilgilatay, waxaanu wargeysku maalmihii u dambeeyey wax ka qorayey lunsi lacageed oo ay sameeyeen xubno ka tirsan Wasiiradda Somaliland.

Sidoo kale, waxay wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ku eedeeyeen inuu si foolxun u maamulay shirkadihii baadhayey macdanta Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, xayiradda wargeyska Haatuf ayaa noqonaya kii labaad ee la xayiro, iyadoo hore laba jeer loo xayiray wargeyska Hubaal bishii June 12-keeddii  iyo mar kale oo la xayiray December 13 sanadkii hore, isla markaana illaa hadda uu xayiran yahay.

Xoghayaha ururka SOLJA Maxamed Rashiid Maxamed Faarax ayaa cambaareeyey xayiraadda wargeyska Haatuf oo uu ku tilmaamay mid ka dhan ah madax banaanidda warbaahinta iyo xoriyatul qawlka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland