4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2014
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay laba Sarkaal oo lagu Toogtay Gaalkacyo


Isniin, Abriil 07, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay dil laba sarkaal oo reer galbeed ah una shaqeynayay Qaramada Midoobay loogu geystay maanta garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

C/weli Gaas ayaa sheegay in la xiray ninkii dilka gteystay iyo ninkii lahaa qoriga lagu dilay labadan sarkaal, ayna baaritaan ku sameynayaan sababta keentay in saraakiishan lagu dilo magaalada Gaalkacyo.

“Falalkan oo kale Puntland taariikh uma lahayn, waxaase socda baaritaanno ku saabsan in ruuxa dilka geystay lasoo adeegsaday iyo in kale,” ayuu yiri Gaas oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in dilkan uu nasiib-darro yahay, uuna tacsi u diray qoysaska labada sarkaal oo uu sheegay in mid ka mid ah uu u dhashay Birtain, halka kan kalena uu ahaa Canadian.

Labadan sarkaal ee la toogtay ayaa waxay u shaqeynayeen hay’adda UNDOS oo ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeysa ka hortagga daroogade iyo dambiyada.

“Ruuxa dilka geystay wuxuu ka mid ahaa ilaalada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, mana la oga sababta ka dambeysay inuu shaqaalahan Qaramada Midoobay ka tirsan dilo,” ayuu madaxweynaha Puntland hadalkiisa ku daray.

Al-shabaab oo si kooban uga hadashay dilkan ayaa sheegtay inay soo dhaweynayaan dilka saraakiishan reer galbeedka ah loogu geystay garoonka Gaalkacyo, laakiinse kama aysan hadlin inay lug ku leeyihiin iyo in kale.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiishan la toogtay xilli ay doonayeen inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, iyadoo madaxweynaha Puntland uu sheegay in arrintan ay si dhab ah u baarayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya