4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2014
Xildhibaanno Dalbaday in Wasiirradu ay Hor-yimaadaan Baarlamaanka

Isniin, Abriil 07, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa ka dalbaday guddoonka sare ee baarlamaanka in wasiirrada xukuumadda ay mid-mid u horyimaadaan baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo howlahooda shaqo, kii loo arko inuusan waxba qaban karinna isla goobta xilka looga qaado.

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaanahan ku andacoonayay in wasiirrada xukuumadda ay ku xad-gudbeen sharciyo dhowr ah oo la meel-mariyay, taasoo ay ku sheegeen xildhibaannadu inay tahay mid iyaga lagu quursanayo.

“Wasiirradu waa waa kuwa ugu badan ee sharciyada dalka ku tunta, mana ahan mid aan ogolaan karno in wasiir aan innagu kalsoonida siinnay uu shuruucdii aan meel-marinnay ku tunto,” ayay tiri xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa waxay sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in dhammaan wasiirrada xukuumadda ay horyimaadaan baarlamaanka si su’aalo looga weydiiyo howlaha ay dalka iyo dadka u hayaan, kii ka jawaabi waaya su’aalahana halkiisa xilka looga qaado.

“Dadweynaha Soomaaliyeed waxay sharcigooda ku heli karaan waa in wasiirrada mid-mid loola xisaabtano, kii ku habboon shaqadiisana la daayo, kii kalena meesha laga saaro, mana jirto waddo kale oo aan taas ahayn,“ ayay xlidhibaannadu mar kale tiri.

Hadalka xildhibaannadan iyo kuwa ku fikirka ah ayaa imaanaya iyadoo lagu maalmo ka hor loo yeeray wasiirrada amniga Qaranka iyo arrimaha gudaha si su’aalo looga weydiiyo ammaanka dalka iyo howgallada ka socda gobollada dalka.

Lama oga dalabkan kasoo baxay xildhibaannada in la meelmarin doono iyo in kale, iyadoo horay uu guddoonka baarlamanku u sheegay inay la xisaabtami doonaan xukuumadda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya