4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2014
Sooomaalida aan sharciga ku lahayn Kenya oo lagu soo celinayo Soomaaliya


Isniin, Abriil 07, 2014 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameerika, ayaa sheegay in Soomaalida aan haysan dhalashada dalka Kenya ama aan lahayn sharci ay ku deggen yihiin dalka Kenya, waxaa dib loogu celinayaan dalkoodii Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Nairobi ay isha ku hayso sida loo baarayo dadweynaha Soomaaliyeed ee lagu qabqabtay howlgalladii Nairobi laga sameeyay dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay.

“Maalmihii lasoo dhaafay booliiska Kenya waxay sameeyeen howlgallo saf-ballaaran ah oo ay kusoo qabqabteen kumannaan Soomaali ah. Waxaan kala shaqeynaynaa sidii loo sii deyn lahaa dadka sharciga haysta, balse kuwa aan lahayn sharciga, waxaa loo duulin doonaa Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Ameerika.

Sabtidii lasoo dhaafay ayuu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud kala hadlay madaxweyaha Kenya Uhuru Kenyatta sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.

“Madaxweynaha Somalia wuxuu kala hadlay madaxweynaha Kenya sidii xuquuqda shacabka Soomaaliyeed loo ilaalin lahaa iyo sidii kuwa gacanta ciidamada ku jira ee aan dambiga lahaynna loo sii dayn lahaa,” ayuu yiri dajire Ameerika.

Ciidamada Kenya ayaa howlgallo saf-ballaaran ah ka billaabay magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda ay Soomaalidu daggan tahay ee Islii maalmo ka hor, kaddib markii qaraxyo ay ka dhaceen xaafaddaas, kuwaasoo ay ku dhinteen lix qof.

“Waxaan dadaal ugu jirnaa sidii loo sii dayn lahaa dadka sharciga leh ee ku jira gacanta ciidamada dowladda Kenya, waxaana arrintaas la kaashanaynaa xubno ka tirsan xukuumadda Kenya,” ayuu dajiraha Soomaaliya ee Nairobi ku daray hadalkiisa.

Ugu dambeyn, danjiruhu wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay waddo qorshihii dib loogu celin lahaa dadka aan sharciga lahayn ee Kenya ku nool, si ay noloshooda mar kale uga billaabaan gudaha Soomaaliya.

Dalka Kenya ayaa waxaa ku sugan kumannaan Soomaali ah oo aan wax sharci ah haysan, kuwaasoo siyaabo kala duwan ku tagay dalkaas, waxaana ka mid ah dad u tahay sidii ay uga dhoofi lahaayeen, kuwo doonaya inay ka shaqeystaan iyo kuwo kale oo doonaya inay wax-ka-bartaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya