4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 7 , 2014
Wiil Soomaaliyeed oo wacdaro ka dhigay cayaarta Hokeyga ee dadka naafada ah

Isniin, Abriil 7, 2014 (HOL) - Cayaar saaxibtinimo oo dhaqaale loogu aruurinayey dadka naafada ah ayaa lagu qabtay magaalada Ottawa ee dalka Canada, cayaartaas oo ay ku wada kulmeen kooxda lagu magacaabo “Ottawa Celebrity” iyo kooxda naafada Ottawa.

Cayaartaas Hokeyga ah oo lagu cayaaro "wheelchairka" ayaa waxaa ka soo qayb galay ehelada dadka naafada ah iyo madax ka tirsan howlwadeenada magaalada Ottawa. Duqa magaalada Ottawa Jim Watson oo ciyaartaas furay ayaa ku dhiirigaliyey dadka naafada ah in ay ka qaybqaataan cayaaraha inta ay awoodoodu tahay.

Maxamed Cawad oo ah wiil Soomaaliyeed oo naafo ah ayaa halkaas wacdro ka dhigay isaga oo halkaas ka dhaliyey saddex gool oo runtii dadkii halkaa joogay ay aad ugu riyaaqeen. Waliba waxaa layaab lahaa sidii wanaagsaneyd ee uu dhaliyey goolkiisii seddexaad, inkasta oo ay guushii raacday kooxdii Ottawa Celebrity” oo ku guuleystay 4-3.

Maxamed Cawad oo u waramayey HOL ayaa sheegay in cayaartaan u bilaabay laba sanno ka hor, haddane uu ka mid yahay xulka magaalada Ottawa, cayaarana ay dhawaan u aadi doonaan magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota.

“Waxaan ku gubaabinayaa dadweynaha Soomaaliye ee naafada ah gaar ahaan kuwa ku nool Ottawa in qayb ka qaataan cayaaraha u gaar ka ah dadka naafada ah maadaama ay jiraan fursado badan oo ay ka qayqaadan karaan” ayuu yir Maxamed Cawad. Wuxuuna ka codsaday dadweynaha Soomaaliyeed ee reer Ottawa in ay ka soo qaybgalaan cayaaraha dadka naafada ah ee mar kasta lagu qabto dalkan Canada. Maxamed Cawad ayaa wuxuu sheegay in ay jiraan dad badan oo naafo ah, laakin leh xirfad cayaareed. Waxaan dadkaas kula taliyay in ay ka qayqaataan cayaaraha kala duwan oo rag iyo dumarba leh.

Mahad Shaafici oo ka mid ah ganacsatada magaalada Ottawa goobjoogne ka ahaa ciyaartii maanta ayaa sidoo kale ku baaqay in la kaalmeey dadweynaha naafada ah ee ku nool Ottawa.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in cayaarihii halkaas ka dhacayey uu garsoore ka ahaa yar Soomaali ah oo lagu magacaabo Diiriye Faarax.

Haddi aad u baahantahay kaalmo la xiriirta cayaaraha naafada, fadlan kala xiriir FACEBOOKga Maxamed Cawad oo ah “ Mohammed Awad”

Axmed Guure
Ottawa, Canada