4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
Ruux lagu Toogtay Laascaanood iyo Miino Dhaawacday laba Qof (SAWIRRO)


Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Ciidamada booliiska Laascaanood ayaa gacanta ku dhigay ruux saaka ku dilay nin ka mid ahaa hawl-wadeennada ururka Bisha Cas ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dilka ah oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa la sheegay inuu rasaar qoriga AK-47 uu si fool xun ula dhacay marxuumka, kaddibna uu dhaawacii soo gaarey ugu geeriyooday isbitaalka magaalada Garoowe ee Puntland,  sida uu xaqiijiyay madaxa Bisha Cas ee Laascaanood, Daakin Maxamuud Warsame.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray, C/llaahi Orshe, waxaana la toogtay isagoo ku sii socda jeeda xarunta Bisha Cas. Iyadoo hadal-hayntan magaalada ay u badan tahay in gacan-ku-dhiiglaha uu ahaa qof aan maskax ahaan dhammeyn.

Sidoo kale, toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in ninkan dilka geystay uu uu dhowr qof sigay, mase jirto wax caddeyn ah oo illaa hadda ilaha caafimaadka iyo booliisku soo saareen, waxan gacan-ku-dhiiglaha xabsiga dhexe ee Laascaanood.

Qarax laba qof ku dhaawacay Buuhoodle:

Qarax miino ayaa maanta laba qof ku dhaawacay galbeedka magaalada Buuhoodle, kaddib markii gaari ay wateen ay haleeshay miinada. Miinadan oo loo malaynayo in ay tahay mid muddo dheer halkaas ku jirtay.

Maxamuud Khadar Cabdi oo ahaa darawalkii gaariga ay miinadu haleeshay ayaa u sheegay warbaahinta in gaarigu uu damcaysanaa inuu kala wareego balse mar qura qabsatay miinada

Sidoo kale, Yaasiin Yuusuf Mahad oo ka mid ahaa dadkii goobtaas ka dhawaa ayaa wuxuu sheegay in gaariga uu doonayay inuu magaalada kusoo noqdo; laakiinse uu la kulmay qaraxa, wuxuuna sheegay in sida gaarigu u burburay iyo sida ay dadkii saarnaa uga badabadeen ay aad u kala duwan tahay.

Goobta uu qaraxani ka dhacay ayaa wax-yar u jirtaa xadka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna fariisin ciidan u ahaan jirtay ciidamadii Somalia, iyadoo aan lagu sameyn wax baaritaan ah.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool