4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
Roobab ka da’ay deegaano ka tirsan gobolka Sool oo ay biyo la’aani ka jirtay


Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Roobab ayaa ka da'ay deegaanno kala duwan oo ka tirsan gobolka Sool, kuwaasoo ay ka jireen dhibaato dhinaca biyaha ah. Waxaana ka mid ah deegaannada ay roobabku ka da’een; Sarmaayo, Cali-Goo-go'an oo ka tirsan degmada Taleex oo ay ka jirtay dhibaato biyaha la’aaneed.

Duleedka degmada Xuddun ayaa la sheegay inay ka da’een roobab wanaagsan sida uu sheegay, Maxamed Jaamac Mahad, balse magaalada waxaa soo gaary buu yiri shuux qabowsin ah.

Sidoo kale, goobaha kale ee ay roobabku ka da’een ayaa waxaa ka mid ah Karin-dabayl-weyn oo degmada Laascaanood kaga beegan dhinaca Koonfureed. Kaasoo biyo badan dhigay deegaankaas.

Roobabkan ayaa imaanaya waqti xaalad adag oo biyo la’aan ahi ka jirto meelaha ay ka da’een roobabka, waxaana deegaannadan lagu sheegaa inay yihiin kuw oomane, iyadoo sannadkii horena ay roobabku ku yaraayeen.

Deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Sool ayaa waxaa ka taagan biyo la’aan aad u xooggan oo ay dadku ka cabanayeen, iyadoo biyo la’aantan ay sababtay inay ka le’daan dadka deegaannadaas ku nool xoolihii ay dhaqanayeen.


Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool