4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
Dayactir lagu Sameeyay Xabsiga dhexe ee Degmada Kismaayo [SAWIRRO)


Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta xariga ka jaray xabsiga dhexe ee degmada Kismaayo, kaasoo dhawaan dayactir lagu sameeyay, waxaana madaxweeynaha wehlinayay xubno ka tirsan golaha wasiirada, iyo weliba gudoomiyeyaasha heer gobol iyo heer degmo.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay guddoomiyeyaasha degmada iyo kan gobolka Jubbada Hoose, waxayna sheegay in howshani dayactirka ah ay tahay mid ay ugu talo galeen in dib loogu howlgeliyo xabsiga dhexe ee degmada Kismaayo oo mudo dheer aan shaqeyn burbur xooggan oo soo gaaray awgeed.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max’ed Warsame Faarax Darwiish oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in xabsigani ay ku dayactireen si iska waxu qabso ah, isagoo xusay in ay kaalmo ka heleen shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo.

Sidoo kale waxa goobta ka hadlay wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubba Macalim Max’ed Ibraahim, isagoo sheegay in maamulkooda uu sii wado doono howlaha dib u dhiska adeegyada muhiimka ah ee bulshada, wuxuuna ku dhaliilay dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka in ay ka gaabiyeen kaalintii ay ku lahayd dhinacyada dib u dhiska iyo horumarinta deegaanada Jubbooyinka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Gabagabadii waxa goobta ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee maamulka Jubba Jen. C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxa tallaabo hore loo qaaday uu ku tilmaamay dib u dhiska xabsiga dhexe ee degmada Kismaayo, isagoo arintaasina uga mahadceliyay wasiirka maaliyadda iyo shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo.

Masuulkan ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo maanta aan la ogolaan dooni in hub sharci darro ah lagu dhex qaato magaalada, isagoo ugu baaqay saraakiisha ciidamada iyo wasiirka amniga in ay xabsiga dhigaan cidii la arko iyadoo hub sharci darro ah ku dhex wadata magaalada.

Madaxweeyne ku xigeenka ayaa dhinaca kale sheegay in 12-ka bishan aynu ku jirno ay gobollada Jubooyinka ka bilaaban doonaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, isagoo sheegay in deegaanada ay Al-shabaab ka arimiyaan ee Jubooyinka ay dib u qabsan doonaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya