4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
Maydadka dad rayid ah oo Maanta laga helay Duleedka Degmada Afgooye

Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Maydadka labo ruux oo dhallinyaro ah ayaa maanta laga helay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, iyadoo aan la ogeyn cidda dilkooda ka dambeysa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dadka ku nool Afgooye ay ku baraarugeen iyadoo dadka ay soo fiirinayaan maydadka oo laga helay meel u dhow qabuuraha degmada Afgooye oo 30-km jihada Koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Maydadka ayay aqoonsan waayeen dadweynaha degmada Afgooye, iyadoo markii dambe la sheegay inay halkaas ka qaadeen ehelladooda ka tagay Muqdisho, iyadoo aanay jirin wax faahfaahin oo laga bixiyay sababa ka dambeysay in la dilo iyo cid ka dambeysay dilkooda.

Sidoo kale, wararka qaarkood ayaa sheegaya in labadan ruux laga soo qafaashay magaalada Muqdisho, kaddibna maydkooda la dhigay duleedka Afgooye, iyadoo ay cabsi weyn gelisay arrintan shacabka degmada Afgooye.

Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka gaabsaday in ay ka warbixiyaan dilka labadan ruux ee rayidka ah iyo xilliga uu dhacay, waxaana tan ay qayb ka noqonaysaa falal noocan  oo kale ah oo horay loogu arkay qaybo ka mid ah gobollada dalkka.

Dilka labadan qof ee rayidka ah ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dadka deegaankaas ay ka cabanayeen dhibaatooyin ay ku hayaan ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo isbaarooyin badan dhigtay waddooyinka degmadaas soo gala iyo kuwa ka baxa.

Afgooye ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab saddex sano ka hor, iyadoo dhowr jeer ay degmadaas ka dhaceen falal ammaan-darro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya