4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
Jen. Cabdi Qaybdiid oo kala diray Golaha Wasiirrada Maamulka Gal-Mudug

Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Gal-mudug, Jen. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa maanta oo Axad ku dhawaaqay inuu kala diray golaha wasiirrada maamulkiisa, kaddib markii uu sheegay inay kasoo bixi waayeen shaqadii loo igmaday.

Shir jaraa'id oo u ku qabtay xarunta madaxtooyada Gal-mudug ayuu ku sheegay Cabdi Qaybdiid in shacabka Gal-mudug ay u baahan yihiin isbedel ka hana qaada deegaannadooda, ayna xilligan doonayaan inay keenaan xubnno  is-badalka loo baahan yahay la imaan kara.

Kala dirista golaha wasiirrada ee xukuumaddiisa, ayuu sabab uga dhigay shaqo gudasho la'aan iyo habac-sanan ka muuqatay xubnaha golaha wasiirrada oo uu tilmaamay inaysan kasoo bixin waajibadkooda.

Intas kaddib wuxuu saxaafadda u akhriyay wareegtada uu ku kala diray wasiirrada la-tashiyo iyo baaqyo kaga yimid waxgaradka iyo bulshada ayuu ku micneeeyay in uu ku go'aansaday in wajiyo cusub lugu soo doro xukuumadda si howlaha u yaalla loo xoojiyo.

Cabdi Qaybdiid, waxaa uu intaa ku daray in muddo 30-casho gudahood ah lagu soo magacaabi doono gole wasiirro oo tayo leh, kuwaasoo qabta shaqada ay doonayaan shacabka deegaannada Galmudug.

"Waxaan noo taalla shaqo badan, arrinta keliya oo xilligan loo baahan yahay waa isbedel iyo hormar waa midda keentay in golaha wasiirrada la kala diro, waxaan ka rajeynaynaa in waxqabad muuqda ay la imaan doonaan wasiirrada cusub ee aan soo magacaabi doono," ayuu ku sheegay hadalkiisa Cabdi Qaybdiid.

Siyaasiyiin iyo qaybaha bulshada oo saxaafadda gudaha la hadlay ayaa si  aad ah u soo dhaweeyay tallaabada uu madaxweynaha Galmudug ku kala diray wasiirradii maamulkiisa, waxayna sheegeen inay muhiim tahay in isbedel la helo.

Dhinaca kale, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in wasiirrada cusub ee Galmudug ay ka badan doonaan tiradii hore; iyadoona lugu soo dari doono xubno ka imaanaya deegaannada ku yaalla gobollada dhexe, arrintaasoo lagu macneeyay in looga gol-leeyahay ballaarinta maamulka Galmudug.

Tan iyo markii Cabdi Qaybdiid loo dortay inuu noqdo madaxweynaha Gal-mudug waa markii ugu horreysay oo uu kala diro golaha wasiirrada maamulkiisa, waxaana xilligan laga dhursugaya muddada 30-casha ah ee lagu soo magacabaayo wasiirada cusub.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya