4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
Cod-bixiyeyaasha Somaliland oo hab cusub oo casri ah loo diiwaan-gelinayo

Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay nidaam casri ah oo lagu diiwaangelinayo codbixiyeyaasha Somaliland.

 Afhayeenka Guddiga doorashada Somaliland Axmed Xirsi Geelle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaaab casri ah oo aanay dadku hal cod ka badan samayn Karin loo diiwaangalinayo, taas oo laga sawirayo Indhaha, halka barigii hore farta la saari jiray taaso okeentay in dhawr jeer qofkiiba codeyn karo.

"Waa Nidaam casri ah oo electaroonig ah oo halkii barigii hore dadka Farta laga qaadi jiray imika waxaanu sawirka ka qaadanynaa Isha (Bu'da isha ama Wiilka) ayaa la sawirayaa, waana nidaamka cusub oo khuburaddu noo sheegtay inuu Boqolkiiba Boqol ka wanaagsan yahay kii hore ee Farta laga qaadayay, oo halkii malyan ee qofba qof kaliyi qaldami karo." Ayuu yidhi Afhayeenka Doorashooyinka Axmed Geelle oo ka hadlayey nidaamka cusub ee loo diiwaangelin doonno codbixiyeyaasha.

Waxaanu intaas ku daray  " Diiwaan gelintu maalin ma wada dhacayso Gobolba maalin ayay ka dhacaysaa, laakiin waxaanu samaynay in marka Gobol maalintaa laga qaado Isha ee la diwaan galiyo isla 24-kii saacadood gadoohoodba Kombiyuutarkii dib loogu celiyo oo markaaba ay soo baxo wixii ku celceliyey. Xataa haddii qofku Gobol kale tago marka xarunta la iskugu wada keeno ayuu soo saarayaa wixii ku celcelin ah Kombiyuutarku" .

Afhayeenka ayaa sheegay in guddigii ku bixi lahaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha qaybtii Dawladdu bixin lahayd diyaar la tahay, sidoo kalana deeq bixiyeyaashu balanqaadeen inay bixinayaan qaybtii kaga beegnayd.

 Diiwaangelinta codbixiyeyaasha ayaa socon doonta muddo afar bilood ah, kuwaas oo uu sheegay in dhamaan goboladda Somaliland laga wada hawlgali doonno.

Si kastaba ha ahaatee, xisbiyada mucaaradka ayaa walaac weyn ka qabay in wakhtigii loogu tallogalay inay doorashadu dhacdo dib uga dhacdo, iyago dhawr jeer oo hore warbaahinta ka sheegay in aanay aqbali doonin in muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha, isla markaana ku baaqay in degdeg loo sameeyo diiwaangelintii codbixiyeyaasha si aanay dib uga dhicin doorashadda wakhtigii loo asteeyey.

Haseyeeshee guddidda Doorashooyinka ayaa sheegay in dhaqaalihii ku bixi intooddii badnayd oo ay kaga xidhnayd wadamadda Somaliland ka caawiya doorashooyinka ay isla garteen inay bixiyaan kharashka ku baxaya, halka xukuumadduna qaybteeddii ay diyaar la tahay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland