4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
Khilaaf ka Taagan Xil-ka-qaadis lagu Sameeyay Wiil uu Dhalay Dr. Faroole


Maxamed Faroole, Jigjiga, Ethiopia - Photo HOL


Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) --Khilaafkan ayaa la sheegay in uu yimid ka dib markii madaxweynaha Puntland uu soo saaray digreeto uu xilka kaga qaadayo agaasimihii ciidamada la dagaalanka burcad badeedda Puntland  Maxamed Faroole oo ah wiilka madaxweynihii hore ee Puntland.

Ilo ku sugan magaalada Garowe ayaa xaqiijiyay in xilka qaadistan uu ka biyo diiday masuulkan oon ilaa hadda aan  si rasmi ah ula hadlin warbaahinta ,waxaana xilkan uu madaxweynaha Puntland u magacaabay Cabdinaasir Biixi Soofe oo ka soo jeeda gobolka Mudug ,iyada meesha laga saaray gabi-ahaanba magacii agaasimanimada loona badalay jagadan xiriiriye.

Ciidamada la dagaalanka burcad badeedda Puntland ee (PMPF ) waxaa qarashaadka ay isticmaalaan iyo tababaradooda-ba bixiya dowladda Imaaraatka Carabta ,waana ciidanka labaad ee ugu awoodda badan gobolka
marka laga soo taagga kuwa la dagaalanka argagaxisada.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in masuulka cusub ee xilkan loo magacaabay ay qaraabo dhow yihiin madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ,taasi oo cirka  ku sii shareertay khilaafka arintan la xiriira oo hadda ugub ah.

Madaxweynihii hore ee Puntland C/rixmaan Faroole ayaa dhidibada u taagay ciidamada PMPF sanad ka dib markii xilka loo doortay  ,si looga hortago kooxaha burcad badeedda oo xiligaas awood badan ku lahaa
xeebaha gobolka sida Garacad iyo  Ayl.

Ugu danbayntii qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka Nugaal ayaa shaki galiyay habka loo maray xilka qaadistan lagu sameeyay Maxamed Faroole oo sidoo kale ahaa la taliyihii dhinaca saxaafadda ee aabihii,isla
markaana xubin -fir-fircoon ka ahaa dowladdii hore.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]