4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
Madaxweynaha PL iyo wafdi uu horkacayo oo Gaalkacayo ku wajahan

SAWIR HORE| KAYDKA HIIRAAN ONLINE 2014

Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland iyaga oo ku wajahan magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ku jira xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland, xildhibaanno iyo weliba qaar kamid ah saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Puntland.

Degmada Buurtinle iyo deegaano kale oo ku yaalla inta u dhexeysa magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacayo ayey Madaxweyne Gaas iyo wafdigiisu kusii hakan doonaan, kahor intaysan Gaalkacayo u gudbin.

Magaalada Gaalkacayo waxaa ka socota qabanqaabo xooggan oo ku aadan sidii si diirran loogu soo dhoweyn lahaa wafdigan, jidadka waaweyn qaarkood ayaa la xiray ammaankana si aad ah ayaa loo adkeeyey.

Labo maalmood kahor waxaa magaalada Gaalkacayo soo gaarey wafdi wasiirro u badan oo hordhac u ahaa wafdiga Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas.

Faah faahin ku aaddan booqashada C/weli Gaas ee magaalada Gaalkacayo -oo ah tii ugu horreysey ee uu ku tago tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Puntland- dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya