4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
Baarlammaanka Puntland oo ansixiyey Miisaaniyadda 2014(SAWIRRO)
Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Baarlammaanka Puntland oo maalmihii u dambeeyey ka doodayey miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2014, ayaa maanta cod aqlabiyad leh kumeel mariyey misaaniyadda oo dhowaan ay Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbisey.

Fadhiga baarlammaanka ee maanta waxaa joogey 50 xil-dhibaan, waxaana cod gacan-taag ah oo loo qaaday miisaaniyadda kaddib ku dhawaaqay natiijada cod-bixinta, Guddoomiyaha Baarlammaanka Puntland Siciid Xasan Shire.

Wuxuuna sheegay in 46 xildhibaan oo kamid ah 50ka xildhibaan ee kulanka maanta soo xaadiray ay "HAA" ku codeeyeen, hal xildhibaan oo diidey, labo xildhibaan oo ka aamusay iyo weliba guddoomiyaha oo aan coday, taas oo ansax ka dhigeysa miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2014.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Miisaaniyadda ayaa ah 30, 679 milyan oo Doolarka Maraykanka ah. Guddoomiyaha Baarlammaanka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in la saxay khalad dhanka qoraalka ah oo ku jirey dukumiintiga miisaaniyadda ee ay Wasaaradda Maaliyaddu soo gudbisey.

Kal-fadhiga uu Baarlammaanka Puntland ku ansixiyey miisaaniyadda oo ah mid aan caadi ahayn, wuxuu soo furmay toddobaadkii hore, waxaana arrimaha ugu muhiimsan ee ay xildhibaannadu kaga doodayeen ugu muhiimsanaa miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland Soomaaliya