4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo la Wareegay Deegaanka Wabxo

Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa shalay gellinkii dambe la wareegay deegaanka Wabxo oo ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Galguduud ee dowladda Somalia, C/xakiin Cabdullaahi Warsame (Dhaga-weyne) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa AMISOM ay si nabadgalyo ah kula wareegeen deegaankaas oo 42-km dhinaca galbeed kaga beegan degmada Ceelbuur oo dhawaan ay ciidamadu la wareegeen.

“Deegaanka si nabad ah ayaan ku galnay, Al-shabaab markii ay maqleen in deegaankaas aan ku wajahannahay ayay isaga baxeen,” ayuu yiri C/xakiin Dhega-weyne oo ka war-bixinayay sidii ay ula wareegeen deegaanka Wabxo.

Laakiinse guddoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Galguduud, Sheekh Xasan Yacquub Cali ayaa isagana sheegtay inay ka hortageen dagaal ay ciidamada isbahaysanaya ku qaadeen deegaankaas ayna ka dileen askar, gaadiid ciidanna ay ka gubeen.

“Jabkii labaad ayaan u geysannay ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ah ee isla socda, waana jabkii labaad oo aan deegaannada gobolka ugu geysanno, dhowr askari ayaan ka dilnay gaadiid ciidanna waan ka gubnay,” ayuu yiri Sheekh Xasan oo aan faahfaahin intaas ka badan bixin.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanno ku dhow deegaanka Wabxo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen deegaankaas oo dhowr jeer oo hore ay ku dagaalameen xoogagga Ahlusunna iyo kuwa AMISOM.

Howlgalladan ka socda gobolka Galguduud oo billowday dhammaadkii bishii Maarso ee aynu soo dhaafnay ayaanay qayb ka ahayn Ahlusunna, iyadoo maamulkan uu ku sheegay war uu soo saaray inuu uga mid noqon waayay fulin la’aantii heshiisyo uu horay ula galay dowladda Soomaaliya.

Gobolka Galguduud ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay ka socdaan howlgallada ay AMISOM ka waddo gobollo dalka ka mid ah, deegaanka Wabxo uu noqonayo kii labaad oo Al-shabaab laga qabsado oo ku yaalla gobolka Galguduud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya