4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
UNOCHA oo shaacisay in Xilligan aan Qoxootiga lagu celin karin Soomaaliya

Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay adag tahay in qoxootiga Soomaaliyeed ee Kenya ku sugan dib loogu celiyo xilliga Soomaaliya, iyadoo sabab ka dhigtay inay weli Soomaaliya ka jirto xasillooni-darro.

Hay’adda UNOCHA ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in howl-gallada ka billowday Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay sababeen in gargaarkii aadane la gaarsiin waayo goobaha ay ku sugan yihiin dadka u baahan gargaarka.

Sidoo kale, OCHA ayaa sheegtay in dagaalkii bishii Maarso laga billaabay gobolladii la qorsheynayay in lagu soo celiyo qaxootiga ay hadda adag tahay in lagu dhiirado, iyadoo hay’addu ay sheegtay inaysan muuqan goob ammaan ah oo qoxootiga lagu celin karo.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dowladda Kenya ay amar ku bixisay in qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku nool ay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga, sidoo kalena xukuumadda Nairboi ayaa dadala ugu jirtay sidii qoxootiga Soomaaliyeed dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa dhawaan sheegtay in la qorsheeyay in 50,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah dib loogu soo celiyo Soomaaliya, taasoo qayb ka ahayd heshiiskii lagu saxiixay Nairobi ee ku saabsanaa dib u celinta qoxootiga Soomaalida.

Dhanka kale, UNOCHA waxay sheegtay in faqriga, shaqo la’aanta iyo cunno-yarida iyo biyo la’aanta ay ku sii baahayso qaar ka mid ah gobollada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ay dagaalladu ka socdaan.

Hay’addu waxay intaas ku dartay in tusaale ahaan magaalada Baydhabo ay ka mid ahayd goobaha la doonayay in lagu soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed, balse ay dhawaan ka dhaceen dibadbaxyo watay rabshado ayna isku hayaan maamullo iska soo horjeeda.

Goobaha kale ee la qorsheeyay in qaxotiga lagu celiyo waxaa ka mid ah magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo degmada Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo,  goobahaas oo ay Qaramada Midoobay sheegtay inaan xilligan amni ahaan la isku halleyn karin.

UNOCHA waxay diyaarisay 2,663-qof oo qaxootiga Soomaaliyeed ah oo xilliga ku nool Kenya, Kismaayo waxaa loo diyaariyay qaxooti gaaraya 7,92, Baydhabo waxaa loo diyaariyay 401-qof, halka degmada Luuq loo diyaariyay 128-qoxooti ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya