4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
Gabar dhallinyaro ah iyo Nin Xirnaa dharka ciidamada oo Muqdisho lagu dilay

Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Yaqshiid gabar dhallinyaro ah oo dhawaan ka baxday mid ka mid ah jaamacadaha Muqdisho, iyadoo sidoo kalena nin xirnaa dharka ciidamada ku toogteen degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Gabadhan la toogtay oo lagu magacaabi jiray, Nafiso Cismaan ayaa ehelkeedu waxay sheegeen in rag bastoolado ku hubeysan ay ugu soo galeen gurigeeda ayna la baxeen dabadeedna toogteen.

“Kooxaha dilka geystay waxay ahaayeen dhallinyaro, waxayna gabadha ugu galeen guriga, dibadda ayay u soo saareen iyadoo qaylinaysa ayayna toogteen, illaa hadda lama oga cid ay ahaayeen iyo sabab ay u dileen,” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah ehellada gabadhan.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilka gabadha, waxaase xaafadda uu ka dhacay dilkan lagu tiriyaa kuwa ay ku xooggan tahay Al-shabaab, iyadoo sidoo kale ay maamulka degmada Yaaqshiid ay sheegeen inay baaritaanno ku hayaan kooxihii dilka ka dambeeyay.

Sidoo kale, ehellada ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ay raadinayeen gabar kale oo ay marxuumadda saaxiibbo ahaayeen, taasoo ay waayeen, lamana oga sababta keentay in kooxahan hubeysan toogtaan gabadhan, iyadoo marxuumadda saakay lagu aasay Muqdisho.

Dhanka kale, askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay ruux ku labsinaa dharka ciidamada oo qori sitay, kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa kooxaha dadka dhibaateeya.

Maamulka degmada Dharkeynley ayaa dhawaan sheegay inay la dagaalamayaan cid walba oo dhibaato ku haysa shacabka degmadaas ku nool, iyadoo dhawaanna lagu soo qabqabtay degmadaas kooxo hubeysan oo dharka ciidamada watay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya