4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
Doorashadii Musharaxa Xaafadda 60B ee Minneapolis oo lagu Guuleysan Waayay (SAWIRRO)


Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Tartanka xisbiga dimuqraadiga uu kusoo bixi lahaa ruuxa u matalaya xisbiga dimuqraadiga kursiga xaafadda 60B ayaanay jirin cid ku guuleysatay, iyadoo tartanka uu u dhexeeyay, Phyllis Kahn oo ahayd haweenay 42-sano kursiga baarlamaanka gobolka Minnesota kasoo galaysay xaafadda 60B oo ay deggen yihiin Somali fara badan iyo Maxamuud Nuur oo ah musharax Soomaali ah; dhawaanna ku guuleystay kursi golaha maamula iskuulada Minneapolis.

Tartankii shalay loogu loolamayay ciddii musharaxa buuxa u noqon lahayd xisbiga dimuqraadiga ayaa dhammaaday iyadoo aysan jirin cid heshay darajdii loo baahnaa oo ahayd 60%.

Labada musharrax waxay ballan-qaadeen inaysan tartamayn haddii midkood uu helo aqlabiyada 60%, marka si xisbigu u kala saaro labadooda waxaa dhici doonta doorasho dhici doonto 12-ka Ogoosto, 2014.

Tartankan ayaa ahaa mid aad ay isugu dhow yihiin labada musharrax. Rep Phyllis Kahn ayaa ku doodaysa inay tahay qof khibrad iyo waayo-aragtinimo leh oo muddo matalaysay deegaanka 60B oo ay ku jirto xaafadda Cedar Riverside oo ah meelaha ay shacabka Soomaalida ugu badan yihiin.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Maxamud Nuur ayaa isagana olalahiisa ku sheegay in xaafadda ay u baahan tahay isbadel cusub si ay dadka wadadnka ku cusub (New Immigrants) ay qaybtooda ugu helaan talada gobolka.

Gobolka Minnesota ayaa wuxuu leeyahay labo aqal, midka hoose oo ah (State Representative) oo kooban 134-xubnood, iyo aqalkana sare (Sanate) oo isaguna ka kooban 67-xubnood. Soomaalida ayaa aad ugu hanweyn tartankan oo ay u arkaan fursad qof Soomaali ah kaga mid noqon karo aqalka Minnesota.

Sadik Warfa ayaa 2010-kii u tartamay kursigan oo kale, laakiin kaalinta labaad ayuu galay, waxayna ahayd markii ugu horreysay oo qof Soomaaliyeed uu isku taago kursi noocan oo kale ah.

Warbaahinta gobolka MN ayaa waayadan aad uga faaloonaysay tartanka Maxamuud iyo haweenayda Phllis Khan oo ergooyinkeeda ay ku jireen dad Soomaali ah, halka doorashadii sannadkii hore uu kusoo baxay Cabdi Warsame oo loo doortay golaha deegaanka magaalada Minneapolis shaqsigii uu la tartamay aysan jirin cid Soomaali ah oo ergo u ahayd, hadii ay jireennaa ay aad u yaraayeen, tanna waxaan ku tilmaami karnaa nasiib-darro uu la kulmay musharax Maxamuud Nuur.

Bogagga arrimaha bulshada Soomaalida Minnesota ayaa lagu arkayay faallooyin iyo hambalyo xalay oo dhan, waxaanse soo qaadaynaynaa mid ka mida dadwaynahaa oo barta uu ku lee yahay Facebook-ga u isticmaala magaca ah Hussein Eissa uu ku qoray markii nadiijadu dhamaatay sida tan:

“Maxamuud Nuur waa musharrax u taagan jagada aqalka hoose ee Minnesota (60B State House Representative) wuxuu la tartamay Phyllis Kahn oo jagadaas haysatay muddo 42-sano ah oo muddada intaa le'eg haysatay, cidna kulama tartamin booska balse maanta waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee ay ku guulaysan waydo kursiga, markaa waxaan leeyahay Soomaalida dhamaanteed waa inay taageeraan Maxamuud Nuur oo aysan u kala harin.”

Waxaa laga yaabaa haddii codka dimuqraadigu kala qaybsamo isla markaana uu jiro nin kale oo Soomaali ah kana socda xisbiga Jamhuuriga oo la yiraahdo C/malik Askar in markaas ay dimuqraadigu kursigaas lumiyaan.

Siyaad Saalax, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota