4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 6 , 2014
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA; “Al-shabaab Cagta ayaan marin doonnaa“


Axad, Abriil 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wacad ku maray in dowladdiisu ay cagta marin doono Xarakada Al-shabaab, isagoo xusay in beesha caalamka ay ka gacan-siinayso sidii Al-shabaab ay u soo af-jari lahaayeen.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Nairobi ee xadalka Kenya oo uu kula kulmay shalay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, kaasoo ay kawada hadleen sidii loo sii dayn lahaa Soomaali badan oo ku xirxiran Nairobi.

“Al-shabaab dhul ballaaran ayay lumisay, waxay lumisay xeryihii tababarka, waxay lumisay meelihii ay lacagaha ka heli jirtay. Al-shabaab waxaa u dhiman oo keliya laadkii ugu dambeeyay, haddii uu laadkaas ku dhaco way dhimanaysaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay inuu ku kalsoon yahay inay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ka tirsan AMISOM ka saari doonaan Al-shabaab deegaannada ay kaga sugan tahay gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku daray in Islaamiyiintu ay Somalia ku abuurmeen intii uu burburku jiray, balse ay hadda dadaal u galayaan sidii ay dalka oo dhan nabadgalyo uga dhigi lahaayeen, ayna u soo afjari lahaayeen Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay dajisay qorshe cad oo ku aaddan in dalka ay doorasho ka dhacdo marka la gaaro sannadka 2016-ka, “Waxaan rajeynaynaa markii ugu horreysay muddo dheer kaddib inaan aragno dumarka Soomaaliyeed oo codkooda u dhiibtaan si nabad ah,” ayuu yiri Xasan ku daray hadalkiisa.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa dowladda Kenya ku tilmaamay dal saaxiib ah, isagoo sheegay inay garab-taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed waqtiyadii ugu xumaa ee ay soo mareen.

“Kenya waa dalkii magan-geliyay Soomaali badan intii lagu jiray xilliyadii dhibka badnaa, waxaa dadkaas ka mid ah ganacsato Soomaaliyeed oo ganacsiyo Kenya ka furtay markii ay waayeen meel kale oo ay ku shaqeystaan,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh mar kale yiri.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay inuu ku kalsoon yahay in dowladda Kenya ay kala shaqeyn doonto qorshayaasha lagu doonayo sidii looga cirirb-tiri lahaa Al-shabaab gobolka Bariga Afrika oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya