4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Ra’iisul Wasaare C/weli Sheekh oo soo Xiray Shirweynaha Amniga Qaranka

Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa khudbad dhinacyo badan ka jeediyay xiritaankii shirweynaha amniga oo Muqdisho ka socday muddo afar maalmood ah; kaasoo lagu casuumay ergooyin matalayay dowlad-goboleedyada, maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, aqoon-yahanno  ka yimid dalka dibaddiisa iyo khubaro dhinaca amniga ah.

Shir-weynahan oo ahaa midkii labaad oo looga hadlayo amniga ayaa cinwaankiisu ahaa “Shirweynaha Xoojinta Amniga Qaranka” ayaa waxaa gabagabadii ka hadlay ra’iisul wasaare C/weli Sheekh, isagoo sheegay inuu soo dhaweynayo natiijada ka soo baxday shirka iyo kasoo qaybgalka wakiillada matalaya dowlad-goboleedyada iyo maamullada gobollada dalka, isagaoo xusay in arrintani ay tilmaan u tahay sida loogu mideysan yahay raadinta nabadda iyo xoojinta amniga Qaranka.

“Labo arrin oo halkan iiga muuqata ayaa waxay igu abuurtay kalsooni iyo rajo, tan koowaad, waxaa halkan iiga muuqda rag iyo dumar khabiiro ah oo aqoon sare u leh amniga oo dal iyo dibadda isaga yimid; kuwaasoo shiilay maskaxdooda sidii loo heli lahaa amniga iyo kala dambeyn,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Isagoo intaas ku daray: “Waxaa kaloo i hami geliyay kasoo qaybgalka, wakiillada ka socda dowlad-goboleedyada iyo maamullada ka jira gobollada iyo degmooyinka dalka, waxaana arrintani ay tilmaan cad u tahay sida ay idin kaga go’an tahay inaad iska kaashataan amniga laga billaabo magaalo madaxda Muqdisho illaa gobollada kale ee dalka.”

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa khudbadiisa kaga codsaday golaha baarlamaanka inay meel-mariyeen sharciga la dagaalanka argagixisada oo ay soo diyaarisay wasaaradda amniga oo haatan horyaala baarlamaanka, si loo helo ciqaab sharci ah oo lala tiigsado kuwa lagu helo argagixisonimada.

“Safarradii aan bishan gudaheeda ku tagay qaybo ka mid ah gobollada dalka, sida Buuro-burde, Jowhar iyo Kismaayo, waxaan ku ogaaday in shacabka Soomaaliyeed ay diyaar u wada yihiin xoojinta iyo xasilinta amniga dalka,” ayuu Cabdiweli Sheekh yiri. Isagoo xusay in wasaaradda amniga looga baahan yahay inay shacabka dhex-gasho iskaashi dhowna la yeelato qaybaha bulshada, gaar ahaana haweenka iyo dhallinyarada.

Gaba-gabadii, ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u diray xildhibaannadii ay Al-shabaab ku dishay Muqdisho labadii maalmood ee lasoo dhaafay, wuxuuna xusay in falalkan ay dar-dargelin doonto ciribtirka kooxaha cadowga ku ah nafta, sharafka iyo weliba maalka ummadda Soomaaliyeed.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya