4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Afhayeenka Xafiiska UNSOM oo sheegay inaysan xilligan ka baxayn Somalia

Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Afhayeenka xafiiska Qaramada Midoobay (UNSOM) Somalia, Aleem Saddiiq ayaa beeniyay wararka sheegaya in xubnaha Qaramada Midoobay ay qorsheynayaan inay ka baxaan Somalia, kaddib weerarro lagu dilay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo ka dhacay Muqdisho.  

Aleem Siddiiq, ayaa sheegay in ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Danjire Nicholas Kay uu sharraxayay oo keliya xaaladda ammaan ee xilliga ka jirta xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

“Ma jiro qorshe aan ku doonayno inaan uga baxno dalka Soomaaliya xilliga dhow; wakiilku wuxuu keliya oo uu ka hadlayay xaaladda ammaan ee ka jirta Muqdisho,” ayuu yiri afhayeenka UNSOM.

Warkan ayaa imaanaya xilli wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia, Nicholas Kay oo ka hadlayay machadka nabadda ee Washingon uu sheegay in weerarrada xilligan ka dhaca Muqdisho, gaar ahaan kuwa lala beegsanayo Qaramada Midoobay ay sababi karaan inaan ka baxno Soomaaliya.

“Waxaan xaqiijinayaa in haddii khaladaadka dhinaca ammaanka aan la sixi ayna sii socdaan weerarrada lagu qaadayo goobaha muhiimka ah, gaar ahaan kuwa UN-ka, taasi macnaheedu wuxuu noqonayaa inaan isaga baxno Soomaaliya,” ayuu Kay ku yiri hadal uu ka jeediyay machadka nabadda ee Washington.

Arrintan waxay imaanaysaa iyadoo laba xildhibaan oo ka tirsan golaha baarlamanka Soomaaliya labadii maalmood ee lasoo dhaafay lagu dilay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Saddiiq ayaa xusay in UNSOM ay ka go’an tahay inay taageerto shacabka Somalia iyo dowladdooda, isagoo xusay in go’aankooda uu weli sidiisii yahay oo aysan jirin wax iska bedelay.

Ugu dambeyn, afhayeenka xafiiska UNSOM ayaa xusay in toddobaadkii hore la keenay Muqdisho qaybtii ugu horreysay ciidammo ilaalinaya ammaanka xarumaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, kuwaasoo tiradoodu tahay 400 oo askari.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya