4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Maamulka Cusub ee Magaalada Gaalkacyo oo Xilka la Wareegay (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Maamulkii hore ee degmada Gaalkacyo ayaa xilka ku wareejiyay maanta maamulka ay dhawaan soo doorteen golaha deegaanka magaalada Gaalkacyo, waxayna ka dhacday munaasabadda xilalka lagula kala wareegeay xarunta madaxtooyada Gaalkacyo.

Munaasabadda xil wareejinta ah ayaa waxaa kasoo qaybgalay,wasiirka arrimaha gudaha Puntland, maamulkii hore ee degmada, maamulka cusub, guddoomiyaha gobolka Mudug, xubno ka mid ah golaha deegaanka degmada iyo mas'uuliyin kale.

Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Gaalkacyo, Axmed Cali Salaad ayaa isagu xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub ee degmada, C/casiis Maxamed Guuleed (Nugaal), ku-xigeenki hore ee degmada, Cabdi Cismaan Faarax (Ciirro) ayaa isna xilka ku wareejiyay ku-xigeenka cusub ee Gaalkacyo, Yacquub Maxamed Cabdalla.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Ugu horreyn waxaa munaasabada ka hadlay duqii hore ee Gaalkacyo, Axmad Cali Salaad wuxuuna sheegay inuu la shaqeyn doono maamulka cusub wuxuuna sidoo kale ku wareejiyay xisaabta lacageed ee ku jirta qasnada dowladda iyo deymaha lagu leeyahay dowladda hoose.

Duqa cusub ee dagmada Gaalkacyo, C/casiis Jaamac Gulleed (Nugaal) ayaa goobta ka sheegay in lacag badan lagu leeyahay dowladda hoose ee Gaalkacyo, wuxuuna intaas ku daray inaysan sahlanayn in hore loo gudo muwaadiniinta lacagta lehna ka dalbaday inay u dulqaataan waqtiga lacagta lagu bixin doono.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Maxamed Yusuf Jaamac (Tigey) ayaa isna sheegay inuu soo dhaweynayo maamulka cusub ee degmada, wuxuuna ballan-qaaday inuu garab-istaagi doonno maamulka cusub ee dagmada; sidoo kalana ay howsha wada-qaban doonaan mas’uuliyiinta dagmada.

Ugu danbeyn, hadalka xiritaanka waxaa qaatay wasiirka arimaha gudaha Puntland, Axmad Cilmi Cismaan (Axmad karaash) oo sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka ay u dhacday xil-wareejinta, isagoo intaas ku daray in ka wasaarad ahaan ay ka war-qabi doonaan howsha dagmada ka socota iyo shaqooyinka horyaala maamulka cusub; wuxuuna ka mahadceliyay kaalinta ay shacabka Gaalkacyo ka qaateen in la dhiso golaha deegaanka.

Mas'uuliyinta cusub ee magaalada Gaalkacyo ayaa ku cusub saaxada siyaasadda, waxaana guddoomiyaha degmada uu horay u ahaa aqoon-yahan wax ka dhiga duqsiyada sare ee ku yaalla Gaalkacyo, halka ku-xigeenkiisuna yahay aqoon-yahay dalka dibaddiisa wax kusoo bartay horayna u ahaa saxafi ka howlgalla deegaannada Puntland.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya