4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Maanta Dhagax-dhigay Dugsiga Tababarka Duulimaadka (DAAWO SAWIRRADA)


Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo ay weheliyaan wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka, wasiirka maaliyadda, wasiir ku-xigeenka gaadiidka, dajiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, wakiilka hay’adda TIKA iyo maareeyaha guud ee garoonka Aadan Cadde ayaa maanta dhagax-dhigay dugsiga tababarka Duulimaadka oo laga dhisayo gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

C/weli Sheek ayaa sidoo kale booqday terminalka cusub ee uu yeelanayo garoonka, kaasoo ah mashruuc ay maal-galinayso shirkadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga oo gacanta ku haysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka, Saciid Qorsheel ayaa ugu horreyntii ka war-bixiyey ahmiyadda uu dhismaha terminalka cusub leeyay, kaasoo uu sheegay inuu noqonayo mid casri ah oo faa’iido weyn ay ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.

“Terminaalkan wuxuu meesha ka saarayaa isku dhex-yaaca ka jira garoonka qaybihiisa kala duwan, wuxuuna dadajinayaa habsami u socodka howlaha kala duwan ee garoonka. Sida ay noo sheegtay shirkadda dhisaysa terminaalka wuxuu qaadanayaa muddo lix bilood ah,” ayuu yiri Qorsheel, oo intaas ku daray in xilli dhow ay qorshaha ugu jirto in la sameeyo garoomo laga hir-galinayo daafaha Muqdisho  si culayska looga yareeyo garoonka Aadan Cadde oo noqon doona mid ay kusoo dagaan diyaaradaha waaweyn.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inuu uga mahad-celinayo dowladda Turkiga dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay ku bixinayso dib-u-dhiska dalka, iyadoo mashruucaan cusub uu qayb ka yahay tayeynta hay’adaha dowladda.

“Dugsiga rababarka suulimaadka waa machad sare u qaadaya xirfadda shaqaalaha ka howlgala garoomada Soomaaliya, waxaana looga maarmayaa in tababarro lagu soo qaato dalka dibaddiisa. Waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa dowladda Turkiga oo taageero hagar la’aan ah la garab-taagan shacabka Soomaaliyeed, qayb weynna ka qaadanaya dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiwali.

Dowladda Turkiga ayaa muddooyinkan dambe ka wadday magaalada Muqdisho dib-u-dhis ballaaran oo lagu hagaajinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo soo celinta bilicda caasimadda, waxayna dayactir ballaaran ku sameeyeen waddooyinka hal-bowlaha u ah isku-socodka gadiidka Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya