4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Ciidanka Dowladda iyo kuwa Al-shabaab oo Xalay ku Dagaallamay Beleweyne

Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Dagaal leysku adeegsaday hubka fudud iyo kan culus ayaa xalay ku dhaxmaray magaalada Beledweyne xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo ciidamada maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan.

Dagaallka ayaa qarxay kadib markii xoogag ka tirsan Al-shabaab weerar ku soo qaadeen saldhiga ciidamada ay ku lahaayeen xaafadda Buundo-weyn, waxaana rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac si weyn looga maqlayay gudaha magaalada ka kooban tahay.

Saraakiisha maamulka degmada oo maanta warbaahinta la hadllaya ayaa sheegay in ay fashiliyeen isku day ay Al-shabaab ku doonayeen in ay ku soo weeraraan saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka, iyaga oo intaa ku darray in ay dilleen mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday tiro kalana ka dhaawaceen, laakiin ma aysan sheegin khasaare dhinacooda soo gaaray.

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ayaa sheegaya in ciidamada mamulka gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya oo gacan militari ka hellaya kuwa AMISOM la wareegeen deegaan lagu magacaabo Ceyn oo 36 km dhinaca W/bari kaga beegan degmada, kadib dagaal halkaa ku dhaxmaray ciidamada is baheysanaya iyo Al-shabaab.

Saraakiisha ciidamada ee degmada Buula-burte ayaa sheegay in deegaannka ay la wareegeen ka sameysan doonaan saldhig rasmi ah.

Buula-burte ayaa bishii aynu soo dhaafnay waxaa la wareegay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo ay taageero militari ka hellaya ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya