4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Beelo wada dega Jubooyinka oo ka heshiiyay xurguf u dhexeysay (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Beelaha Sade iyo Kablalax ayaa shir ay Kismaayo ku yeesheen manta waxay kasoo saareen war murtiyeed ka kooban qodobo dhowr ah, iyagoo sheegay in ay ku heshiiyeen in si wadajir ah ay uga wada shaqeeyaan nabadda ayna iska cafiyaan waxyaalihii hore u dhexmaray.

Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay guddi uu ra’isul wasaaraha Soomaaliya u xilsaaray arimaha dib u heshiisiinta Jubooyinka ayaa waxa kazoo qeybgalay, nabadoonno, siyaasiyiin, odoyaal iyo waxgarad kale, waxaana looga wadahadlay sidii beelaha dega Jubooyinka ay uga wada shaqeyn lahaayeen nabadda.

Shirka intii uu socday ayay odoyaashii soo xaadiray waxa ay xabadka isu galiyeen mid mid, iyagoo sheegay in maanta laga bilaabo ay qaateen nabadda islamarkaana ay ka shaqeyn doonaan sii nabadda ay isla qaateen ay u gaarsiin lahaayeen guud ahaan shacabaka ku dhaqan Jubooyinka.

Ugaas Cumar Xiireey oo kamid ahaa ugaasyadii goobta ka hadlay ayaa sheegay in maanta lasoo afjaray xurguftii u dhexeeysay beelaha walaalaha ah ee wada dega Jubooyinka, wuxuuna xusay in ay ku heshiiyeen in la taageero nabadda islamarkaana shacabka loogu baaqo in ay iyaguna nabadda qaataan.

Sidoo kale dadkii goobta ka hadlay waxaa kamid ahaa Afhayeenka beesha Sade ee Jubooyinka Nabadoon Cabdi Warsame Gurux, wuxuuna sheegay in maanta lagu guuleystay in la dhameeyo khilaafkii  u dhexeeyay beelaha Kablalax iyo Sade, isagoo sheegay in lagu heshiiyay in nabadda la dardargeliyo islamarkaana lasoo xareeyo ciidan uu hoggaamiyo Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) ee ku sugan deegaanka Goob-weyn ee duleedka degmada Kismaayo.

Xildhibaan xirow oo kamid ah mudnayaasha baarlamanka Soomaaliya oo isna goobta ka hadlay ayaa ku booriyay beelaha dega Jubooyinka in  ay taageeraan nabadda isagoo si gaar ah ugu baaqay qurbajoogta kazoo jeeda gobollada Jubooyinka in ay ka shaqeeyso nabadda iyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolladan.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta Mudane Max’ed Ismaaciil Shuuriye aha gudoomiyaha gudiga nabadeynta iyo dib u heshiisiinta  Jubooyinka ee uu magacaabay R’aisul wasaaraha dalka oo gabagabadii goobta ka hadlay ayaa aqriyay warmurtiyeedkii kasoo baxay shirkii maanta, oo ay ugu muhiimsanaayeen qodobada hoos ku xusan:

1. In la xabada la joojiyo
2. In la taageero nabadda deegaanada Jubooyinka
3. In lasoo xareeyo ciidamada ku sugan deegaanka Goobweyn
4. In wixii tabasho ah dib looga wada hadli doono
5. In beelaha kale loogu baaqo nabadda

Shirarkan ay ku wada hadlayaan beelaha wada dega Jubooyinka ayaa la filayaa in ay sii socdaan, iyadoo shirarkani ay gogol xaar u yihiin shirweeyne guud oo dib u heshiisiineed oo la filayo in dhawaan uu ka furmo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya