4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Dowladda Imaaraadka Carabta oo Maanta Deeq u qaybisay Carruur Agoon ah


Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa maanta u qaybisay boqolaal carruur ah oo agoon ah ayna da’doodu u dhaxayso shan illaa 14-sano deeq isugu jirtay raashin iyo timir.

Carruurta agoonta ah ee la gaarsiiyay deeqdan ayaa ku xareysan xarun lagu magacaabo “Daryeel” taasoo loogu talo-galay in lagu xannaaneeyo carruurta agoonta ah iyo daryeelka ciyaalka darbi-jiifka ah. xaruntan waxay ku taallaa degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

Deeqda ayaa ka koobnayd lix tan oo timir ah iyo 400 oo kartoon oo macmacaan iyo raashin fudud isugu jiray, taasoo dowladda Imaaradka Carabta ay ugu talo-gashay in lagu caawiyo carruurta agoonta ah ee u baahan gargaarka bani’aadamnimo.

Madaxa mashaariicda dowladda Imaaradka Carabta ee Somalia, Cabdixamiid Sulaymaan oo ka hadlay goobta lagu qaybinayay deeqdan ayaa sheegay inay deeqdan qayb ka tahay kaalmada joogtada ah ee dowladda Imaaraadku ay ugu talo-gashay shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Cabdixamiid Sulaymaan ayaa intaas ku daray inay sii wadi doonaan gurmadka iyo taageerada dhan walba leh oo ay siinayaan dadka Soomaliyeed ee dhibaatadu hayso.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


“Dowlada Imaaraadka carabta waxa ka go’an in ay sii laba jibbaarto kaalmada joogtada ah ee ay siineyso Walaalaheeda Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxa Mashariicda Dowlada Imaaradka Carabta ee Soomaaliya Cabdi Xamiid Sulaymaan.

Xaliimo Maxamed Macallin oo ah maamulaha xarunta xannaanada carruurta agoonta “Daryeel” ee maanta la gaarsiiyay deeqda ayaa uga mahad-celisay dowladda Imaaraadka Carabta kaalmada ay siisay carruurta agoonta ah.

Waxay sidoo kale Xaliimo sheegtay inay kaalmadan kusoo beegantay xilli ay carruurta agoonta ah ee ku jira xarunta “Daryeel” ay baahi badan u qabeen kaalmada noocan oo kale ah.

Qaar ka mid ah carruurtii la gaarsiiyay deeqadan ayaa dhankooda ka mahad-celiyay gurmadka ay dowladda Imaaraadka Carabtu u fidisay, iyagoo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin kaalmada maanta loo qaybiyay.

Deeqdan ma ahan tii ugu horreysay oo dowladda Imaaraadku u fidiso agoonta Soomaaliyeed, iyadoo ay qayb ka tahay taageero kala duwan oo soo socotay muddooyinkii lasoo dhaafay taasoo la gaarsiinayay kumannaan carruur agoon ah oo ku xareysan xarummo kala duwan oo ku yaalla Muqdisho.

Dowladda Imaaraadaka ayaa ka fulinaysa Muqdisho iyo gobollada qaarkood ay mashaariic kala duwan oo isugu jiraa kuwa bani’aadannimo iyo horumarin isugu jira.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya