4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 23, 2014
Maamulka Bakool oo Sheegay in ay Weerareen Saraakiil Al-shabaab ka Tirsan

Arbaco, Abriil 23, 2014 (HOL) — Ciidamada milateriga Somalia ayaa deegaanka Mooro-gaabey oo ku dhow degmada Xudur ee gobolka Bakool ku weeraray qaar ka mid ah saraakiisha Al-shabaab sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macallin.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ay xalay qaadeen ciidamada dowladda, isla markaana ay ku dileen mid ka mid ah saraakiisha Al-shabaab, mid kalena ku dhaawacay.

"Deegaanka Mooro-gaabey oo 30-km u jirta degmada Xudur waxaa saldhig u ahayd saraakiil ka tirsan Al-shabaab, ciidamada bartilmaameedkooda waa ku guuleysteen labo nin oo amiirro ahaa; midna waa la dilay mid kalena waa la dhaawacay, waxaana lagu kala magacaabi jiray, Cabdullaahi Abuukar Cali oo taliyaha saldhiga Mooro-gaabey ahaa iyo Axmed Maxamed Khayre oo sarkaal ahaa," ayuu yiri Maxamed Macallin.

Guddoomiyaha degmada Xudur ayaa xusay in weerarkan uu ku dhacay sidii loogu talo-galay, isagoo tilmaamay in deegaannada gobolka Bakool ay ka sameyn doonaan ciidamada howlgalada kawa gobolka Bakool.

Al-shabaab weli kama aysan hadlin weerarka lagu qaaday saraakiishooda ku sugan gobolka Bakool, iyadoo deegaannada gobolka Bakool ay ka jiraan xiisado iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan u dhaxeeya ciidamada ciidamada kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya iyo Al-shabaab.

Ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa bil ka hor kala wareegay Al-shabaab degmada Xudur, iyadoo Al-shabaabna ay go’doomin ku sameysay degmadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya